Wasiiru Dowlaha Awqaafta Iyo Diinta Hirshabeelle Oo Lagu Dilay Jowhar

Allaha u naxariisto waxaa goor dhaw magaalada Jowhar lagu dilay Wasiiru Dowlaha Diinta iyo Awqaafta ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Marxuum Nuur Xaashi Warsame isla markaana ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle.

Marxuumka ayaa ku sii jeeday hoygiisa oo ku yaala xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar markii uu ka soo baxay salaadda cishaha kaddib, waxaana kooxihii falka dilka ah geystay ay ka baxsadeen goobta.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu falka ka dhacay ayaa wada baaritaanno lagu ogonaayo cidda ka dambeysay falka dilka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here