Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale oo gaaray Caabud waaq

0
1625

Wefdi uu hogaaminaayo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayna kamid ahaayeenXildhibaano, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia, gudoomiyaha gobolka Galgaduud iyo odoyaasha ka soo jeeda Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa maanta gaaray degmada Caabud waaq ee gobolka Galgaduud halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Mas’uuliyiin isugu jirta siyaasiyiin, Odayaal iyo maamulka degmada ayaa kamid ahaa dadkii soo dhaweeyay wefdiga maanta gaaray halkaasi.

Xaflad balaaran oo wefdiga lagu soo dhaweynaayay ayaa lagu qabtay gudaha degmada Caabud waaq waxaana odayaashii goobtaasi ka hadlay ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin imaatanka mas’uuliyiinta ka socotay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia  Danjire Axmed Cabdi Salaan iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Salaad oo geba gebadii xafladda ka hadlay ayaa dhankooda mahadcelin balaaran u jeediyay maamulka iyo waxgaradka degmada Caabud waaq soo dhaweynta diiran oo ay u sameeyeen.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here