Wasiiru dowlaha Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday dhaawaca Sawir Qaade Farxaan”SAWIRRO”

1883

Iyadoo  Jimcihii la soo dhaafay ay kooxo hubeysan ay dhaawaceen Sawir Qaade Faraxaan Saleebaan Daahir oo ka tirsan Shaqaalaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed  isla markaana dhaawaciisa lagu dabiibayo Cisbitaalka Madiina ayaa maanta waxaa booqaday Wariyaha,Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaga Waaxda Warbaahinta.

Mas’uuliyiintan ka socoday Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu horeyntii waxa ay la kulmeen Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf , waxaana ay ka wareysteen xaaladda Wariye Farxaan uu hadda ku sugan yahay.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dhaawaca Sawir Qaade Farxaan ay ku sameeyeen qaliino dhowr ah isla markaana ay ku guuleysteen caafimaadkiisuna uu hadda yahay mid wanaagsan oo ka soo kabanaya dhaawaca gaaray.

Agaasimaha Cisbitaalka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa iyo shan Xabadood ay ka soo saareen jirka Wariye Farxaan Saleebaan Daahir.

Wasiiru dowladda Wasaaraadda  Warfaafinta  Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud   Cabdi Xassan “Beekoos” ayaa  Caafimaad u rajeeyay  Sawir Qaade Farxaan Saleebaan  Daahir, oo Ka mid ah shaqaalaha Warbaahinta Qaranka.

Wariyaha ayaa maalintii Jimcihii ee aynu ka soo gudubnay waxaa labo nin oo Bastoolado ku hubeysan waxaa ay ku weerareen Xaafadda KPP ee degmada Hodan.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Sawir Qaade: Maxamed C/laahi Fererysane

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here