Wasiiru dowlaha Warfaafinta oo uu wehliyo agaasimaha guud ee wasaarada oo la kulmay Danjiraha Turkiga{SAWIRRO}

2240

Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta Safaaradda Dowladda Turkigu ku leedahay magaalada Muqdisho waxaana ay mas,uuliyiintu ka wada hadleen hormarinta Warbaahinta Qaranka iyo sidii Dowladda Turkigu gacan uga geysan lahayd arimahaas .

Mas,uuliyiinta ka socotay wasaarada Warfaafinta ee kulanka la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya kulanka la qaatay ayaa waxaa  ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdi  Xasan Beekoos .Agasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Cabdi risaaq cali Yuusuf Bahlaawi .Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdi raxiin Ciise Cadaw.iyo Agaasimaha Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Axmed Faarax Gaatamow .

Madaxda Wasaaradda ayaa waxaa ay Danjiraha u bandhigeen Codsi ah in ay Wasaaradda Warfaafinta ka gacansiiso hormarinta iyo tayeynta Wasaarada si gaar ah Qaybta Warbaahinta oo Dhawaanahaanba ay socdeen dadaalada lagu tayeynayo Safiirka Dowladda Turkiga ayaana balan qaaday in Dowladiisa ay diyaar u tahay in ay Dowladda Soomaaliya garab istaagto si gaar ahna hormarinta Wasaarada Warfaafinta ay gacanweyn ka geysan doonto.

kulanka markiii uu soo idlaaday ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka Faah faahin ka siiyay Qodobada ay ka wada hadleen labada dhinac Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamuud Cabdi  Xasan Beekoos.

kulankaas ayaa waxaa uu qayb ka yahay dadaalo dhawaanahaanba Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Dahqanka iyo Dalxiiska  ay wadeen oo ay ku doonayaan in la hormariyo wasaaradda iyo qaybaheeda kala duwan.

 

vlcsnap-2015-04-20-17h09m38s44 vlcsnap-2015-04-20-17h09m52s186 vlcsnap-2015-04-20-17h10m04s54 vlcsnap-2015-04-20-17h10m14s147 vlcsnap-2015-04-20-17h10m20s214 vlcsnap-2015-04-20-17h10m35s102 vlcsnap-2015-04-20-17h10m43s187 vlcsnap-2015-04-20-17h10m52s18 vlcsnap-2015-04-20-17h11m24s77 vlcsnap-2015-04-20-17h11m38s226 vlcsnap-2015-04-20-17h11m52s101 vlcsnap-2015-04-20-17h11m57s157 vlcsnap-2015-04-20-17h12m05s239 vlcsnap-2015-04-20-17h12m24s171 vlcsnap-2015-04-20-17h12m28s206

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here