Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo Muqdisho ka Furay Shirweynahii Shanaad ee Machadka Cilmi baarista Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay shirweynihii shanaad ee machadka cilmi baarista Soomaaliyeed ISOS.

Furitaanka shirweyna waxaa Goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya Agaasimaha Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee wasaaradda waxbarashda mudane Cismaaciil Yuusuf Cismaan,madaxda Jaamacadda Muqdisho aqoon yahano ka kala yimid jaamacadaha dalka iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.


Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa bogaadiyay Jaamacadda Muqdisho. 


“Waxaan maanta si rasmi ah ugu furay magalada muqdisho shirweynihii shanaad ee machadka cilmi baarista Soomaaliyeed ISOS ,
Sharaf ayey ii tahay in aan ka soo qeyb galo kulankaan oo ah kulan ahmiyad gaar ah uleh bahda waxbarashada Soomaaliyeed.


Wasiiru Dowlaha ayaa Sidoo kale u  hambalyeeyey Agaasimaha machadka iyo Guud ahaan Jamacadda Muqdisho oo aan ka wasaarad ahaan aaminsanahay in ay ka mid tahay jaamacadaha Hormuudka u ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here