Waxaa sii kordhacaya Ganacsatada Soomaliyeed ee Maalgashiga ku sameysta wadanka Jabuuti

746

Soomaali badan ayaa ku nool Wadanka Jabuuti kuwaas oo kasameeyey hormaro kala duwan oo dhanka Ganacsiga ah sanadihii ugu danbeeyey.

Jabuuti ayaa Ganacsato Soomaaliyeed waxaa ay ku sameeyeen Maalgashi waxaana kamid ah Dhismayaal Guryo deegaan ah, sidoo kale waxaa kamdia ha waxyaabaha ay Maalgashiga ku sameeyeen sameynta Warshado yar yar kuwaas oo ka qeyb qaatay Hormarka Ganacsi ee Dalka Jabuuti iyo Bangiyo waaweyn oo Ganacsatada Soomaaliyeed ku leeyihiin Jabuuti kuwaas oo lagu tilmaamo kuwa ugu horeeya dhanka Ganacsiga ee Wadanka Jabuuti.

Bangiyada ayaa fuliyo Mashaariic kala duwan kuwaas oo ay kamid yihiin inay dadka u dhisaan guryo  lacagta kuga qaataan si-tartiib tartiib ah.

Soomaalida ku nool Jabuuti ayaa qeyb ka ah Hormarka Ganacsi ee ka dhaxeeya dalalka Itoobiya iyo Jabuuti gaar ahaan mar loo eego dhanka Gawaarida alaabuuyinka Ganacsiga u kala qaada labadaas dal.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Jabuuti ayaa dalka dibadiisa ka keena maciishado kala duwan kuwaas oo laga soo dajiyo Dakadaha dalka Jabuuti.

Warbixintan ku saabsan Hormaradda Ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti waxaa noo soo diray  Makaa’iil Rashiid Barre.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here