Waxbarashada Naafadda Soomaaliyeed oo laga hadlay”SAWIRRO”

0
1251

Kulankan oo looga  hadlayay  sida loo horumarin karo  waxbarashada  carruurta iyo Haweenka  Naafada ah  oo uu soo qaban qaabiyay  ururka Haweenka  Naafada  Soomaaliyeed  ee SOWDA  ayaa  waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaan Maxamed cumar  Dalxa  oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed,gudoomiyaha  cusub ee degmada Hodan ee gobolka  Banaadir,Ururka  Naafada Qaranka ,Ururada  bulshada  rayidka  iyo Marti sharaf kale kaasi  oo lagu qabtay magaalada  Muqdisho.

Xalaawi Sheekh Daahir  Cali oo ka mid ah  dadka Naafada ah  oo ka  hadashay goobta ayaa sheegtay in  Naafada  Soomaaliyeed  ay u baahanyihiin  daryeel iyadoo ka  codsatay  dowlada Soomaaliya iyo hay’adaha  in ay  qeyb ka qaataan  daryeelka Naafada   Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha  ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed   Basiira Cabdi Maxamuud  ayaa soo jeedisay  in  laga qeyb qaato  sida loo horumarin karo  waxbarashada  Naafada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha  degmada  hodon ee gobolka Banaadir    Xaawa  Maxamuud  Cali  (XawoKiin) oo  ka hadashay  kulanka ayaa  ugu baaqday  bulshada in ay ka qeyb qaataan sida loo horumarin karo  waxbarshada  Naafada  Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed  Cumar  Dalxa oo  ka soo qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay hay’adaha  samafalka iyo  dowlada Soomaaliya in ay u istaagaan sida loo horumarin karo  waxbarashada Naafada.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Sawir Qaade: Muuse Cismaan Abtow

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here