Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Mogadishu, 12 Maarso 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo dhagaxdhigay xarunta Sayniska & Teknolojiyada, Ra’iisul Wasaaraha & Wasiir Maareeye oo Xartuna SONNA xariga ka jaray, Soomaaliya iyo Japan oo heshiis kala saxiixday, Xubno Al-Shabaab ah oo lagu qabtay Baydhabo, Wadatashiga Qorshaha Qaranka dalka oo ka dhacay Baydhabo, Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax-dhigay Dugsiga Farsamada Gacanta, Deegaanka Bitaale oo Isbitaal laga furay, Kalfidhiga 7aad ee Baarlamaanka oo la soo xiray, 2,600 neef oo Geel ah oo loo dhoofiyey dalka Masar, Maxkamada Ciidamada oo 5 sano ku xukuntay shaqsi Al-Shabaab ka tirsan, Wasiirada Caafimaadka oo dhagax-dhigtay qeyb cusub ee Isbitaalka Mediina iyo Howlgal ciidan oo lagu dilay 5 Al-Shabaab ah deegaanka Miir-Taqwo.

Madaxweynaha oo dhagaxdhigay xarunta Kulliyada Tababarka Macalimiinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 9kii Maarso 2016 dhagax-dhigay xarunta Kulliyadaha Sayniska iyo Tiknoloojiyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo laga hirgelinayo xaruntii hore ee Kulliyadda Macalimiinta Farsamada. Madaxweynaha oo munaasabada ka hadlayey ayaa sheegay in barnaamijka “Dalkaaga Dhiso” uu hirgalay oo shacabka ay kaalin ka qaadanayaan dib u dhiska dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Talyaaniga doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaadatey aasaaskii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, haatanna diyaar u ah inay Soomaaliya kala shaqeyso dib u ballaarinta jaamacadda oo dhowaan dib loo soo nooleeeyay. Munaasabada waxaa ku sugnaa Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Drs Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Hawlaha Guud Eng. Saalax Sheekh Cusmaan, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Axmed Jimcaale, Safiirka Talyaaniga Fabrizio Marcelli iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha & Wasiir Maareeye oo Xartuna SONNA xariga ka jaray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa 8dii Maarso xariga ka jaray xarunta Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa furitaanka xarunta ka dib kormeeray dhismaha cusub ee Wakaaladda SONNA iyo qeybaha ay ka koobantahay. Agaasimaha Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ka hadlay muhiimadda Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay dalka ,wuxuuna sheegay in Wakaaladda SONNA ay dib usoo ceshan doonto doorkii Warbaahineed oo ay ku laheyd Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Maareeye ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka uga warbixiyay horumarada kala duwan ee ay ku talaabsatay Wasaaradda Warfaafinta iyo dadaallada xukuumadda Soomaaliya ay ugu jirto dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay mas’uuliyiiinta Wasaaradda Warfaafinta in SONNA dib ugu soo laabato kaalintii baahinta Wararka dalka iyo dibadda ay kaga jirtay, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan warar ay ku kalsoonaan karaan, maadaama ay Wakaaladdu u taagantahay baahinta iyo uruurrinta wararka wakaaladaha kale ee caalamka.

Soomaaliya iyo Japan oo heshiis kala saxiixday

Soomaaliya iyo Japan oo kala saxiixday heshiis labo-geesood ah 11kii Maarso 2016. Heshiiskan ayaa horseed u noqonaya in Dowlada Japan ay si toos ah u caawiso Dowladda Soomaaliya, halka ay hadda caawinada soo marsiiso hay’adaha Qaramada Midoobey. Dowladda Japan ayaa deeqdii ugu horeysay oo gaareysa 38 Milyan ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya. Kulankan oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Safiirka u fadhiya dowladda Japan ee Soomaaliya iyo xubno kale. Waxaana halkaasi lagu kala saxiixday heshiis ku aadan in dowladda Japan hada Soomaaliya ay ka fulineyso howlo mashaariic oo dalka lagu hormarinayo.
Wasiirada goobjoog ka ahaa saxiixa ayaa kala ahaa Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Howlaha Guud iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda.

Xubno Al-Shabaab ah oo lagu qabtay Baydhabo

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa 9kii Maarso 2016 howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha magalaada Baydhabo iyo duleedka bari ee magaalada ku soo qab qabtay 10 qof oo lala xiriirinayo inay ku lugleeyihiin qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay goobo cayiman oo ay ku raadjoogeen, kadib markii xogta laga helay qaar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo horey ay ciidamada gacanta ugu dhigeen. Ciidanku waxey gacanta ku soo dhigeen milkiilihii iska lahaa garaashka laga soo abaabulay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo, kaasi oo ay ciiidamada baadi goobayeen iyo tiro dadkale oo arrinta qaraxa lala xiriirinayo.

Wadatashiga Qorshaha Qaranka dalka oo ka dhacay Baydhabo

Shirkii wadatashiga Qaran ee looga hadlayay sameynta qorshaha Qaranka ayaa 08 Maarso 2016 lagu soo gaba gabeeyay magaaladda Baydhabo, waxaana shirka inta uu socday ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka si ay u soo gudbiyaan tallooyinkooda ku aadan sameynta qorshaha Qaran si ay doorkooda ay ugu yeeshan. Qaar ka mid ah wakiilada ka socday wasaaradaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa soo bandhigay qorshayaal ku aadan adeegyada kala duwan ay u hayaan shacabka deegaanada maamulka ka arrimiyo, isla markaana u soo gudbiyay Wasaaradda qorshayenta waxyaabaha ugu muhiimsan loogu biiriyo qorshaha Qaranka. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Sheikh Cali Qaloocow, oo soo xiray shirka ayaa tilmaayay in qorshahan uu yahay mid wax weyn ka badali doona Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in shirka xiga ee ku saabsan qarshaha Qaranka lagu qaban doono magaalada Cadaado si wada tashi lagagala yeesho Maamulka Galmudug. Wada tashigan Qaran ee lagu dhageysanayo maamulada dalka ka jira ayaa ah mid lagu doonayo in Soomaaliya ay yeelato qorshe Qaran oo lagu caddeenayo baahiya Soomaaliya ka jira si gacan looga siiyo.

Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax-dhigay Dugsiga Farsamada Gacanta

Wasiirada Waxbarashada iyo Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo 6dii Maarso 2016 gaaray magaalada Kismaayo, ayaa ka qeyb galay xaflad lagu dhagax dhigay Dugsi lagu barto farsamada gacanta oo laga hirgelinayo Kismaayo. Wafdiga oo ka koobnaa Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxaa socdaalkooda ku wehlinayay Michele Cervone d’Urso, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana ay dhagax dhigeen iskuul cusub oo ay dhisayso midowga Yurub. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka ah Khadar Bashiir Cali iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Michelle Cervone d’Urso ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay iskuul lagu baran doono farsamada gacanta. Munaasabad kooban oo lagu qabtay Kismaayo ayaa Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Michelle Cervone d’Urso uu sheegay inay diyaar u yihiin dhismaha xarumaha danta guud, isagoo tilmaamay in xarunta cusub ay faa’iido badan u leedahay bulshada ku nool gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in waxbarashadu ay door muhiim ah ka qaadan karto wacyigelinta dhalinta ay qaldayaan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana uu maamulkiisu door muuqdo ka qaadan doono horumarinta waxbarashada. Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Khadar Bashiir Cali ayaa safiirka uga mahadcelisay doorka midowga Yurub uu ka qaadanayo horumarinta waxbarashada, iyadoo intaa ku dartay iskuulkan uu noqon doono mid ahmiyad gaar ah u leh dhallinyarada ku nool magaalada Kismaayo. Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in mashruucan dhismaha ah uu door weyn ka qaadan karo sidii dhallinyarada ay u heli lahaayeen xirfado ay ku shaqeystaan, maadaama iskuulka uu yahay farsamada gacanta.

Deegaanka Bitaale oo Isbitaal laga furay

Munaasabadda furitaanka Isbitaalka deegaanka Bitaale ee Waqooyi Bari Gobalka Mudug ayaa 6dii Maarso 2016 waxa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Mudug, waxgarad, dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaankaasi Bitaale Ugu horeeyna waxaa munaasabada ka hadlay Xaliimo Jaamac Cilmi iyo Dr Cali Daahir Mire oo ka mida dadkii ka qeyb galay munaasabadda xariga looga jarayay isbitaalka Bitaale ayaa sheegay in dib u howlgalinta isbitaalkan ay gacan ka geysteen Dhaqaatiir Soomaaliyeed ku kula sugan dalka iyo dibadda, isbitaalkuna uu noqon doono mid si lacag la’aan ah loogu daweeyn doono bulshada ku nool deegaanada dhaca dhanka Waqooyi Bari Gobalka Mudug. Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee GalMudug Cabdirashiid Xaashi Cartan ayaa ka dhawaajiyay in ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan wax ka qabashada baahiyada dhanka adeega bulshada ee ka jira guud ahaan deegaanada Gobalka mudug.

Kalfidhiga 7aad ee Baarlamaanka oo la soo xiray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa si rasmi ah 5tii Maarso 2016 u xiray Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isaga oo dhinaca kalena guddoomay billad sharaf ay guddoon siisay Akadeemiyada caalamiga ee “Giuseppe Pitre” ee fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga. Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa si rasmi ah waxa uu u soo xeray Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka khudbad uu ka jeediyey munaasabdda ayuu ugu baaqay Xukuumadda in 15ka April ay Golaha Shacabka ku hor keento barnaamijkeeda oo faah faahsan.

2,600 neef oo Geel ah oo loo dhoofiyey dalka Masar

Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee dalalka Masar iyo Soomaaliya ayaa Dekadda Magaalada Suweys waxa ay kusoo dhaweeyeen 5tii Maarso 2016 Markab siday in ka badan 2,600 oo neef Geel ah kuwaa oo laga dhoofiyay Soomaaliya. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Siid Xuseen Ciid, ayaa sheegay in xoolahan laga dajiyay Dekadda Masar ay timid kadib markii dalalka Soomaaliya iyo Masar ay heshiis arintan ku saabsan wada gaareen sanadkii hore. Wasiirka ayaa tilmaamay in la kordhin doono Xoolaha ay Soomaaliya u dhoofiso dalka Masar, waxa uuna xusay in dalka Masar loo dhoofin doono xoolo gaaraya 50,000 oo neef ka hor inta aan la gaarin ciidda Carafo. Suuqan cusub ee dalka Masar uga furmay Xoolaha Soomaaliya ayaa la filayaa in dadka Soomaaliyeed uu u abuuro ganacsi ay ka faa’idaan, waxaana aad usoo dhaweeyay in dalka Masar la geeyo Xoolaha Soomaaliya ganacsatada gaar ahaan kuwa xoolaha dhoofiya. Markaban siday geela ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee 20-sano kadib ku xirta Dekedda Aladbiyad ee magaaladda Suweys ee dalka Masar.

Maxkamada Ciidamada oo 5 sano ku xukuntay shaqsi Al-Shabaab ka tirsan

Maxakamada Ciidamada Qalabka-Sida Qeybteeda 60aad ayaa 5tii Maarso 2016, 5 sano oo Xabsi ciidan ah ku xukuntay Maxamed Abuukar oo xafiiska xeer ilaalinta qaranka hore ugu soo eedeeysay in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab. Xukunka ayaa dhacay markii maxkamadda ay u fadhiisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay Maxamed Abuukar oo kolhore ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadibna isu soo dhiibay gacanta ciidamada, kaasi oo lagu dhaqancelinayay xarunta Sarindi ee degmada Xamar Jajab, halkaasi oo uu markii dambe ka baxsaday kuna laabtay maleeshiyada Al-Shabaab. Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka-Sida ee qeybta 60aad Sheekh Aadan Maxamed ayaa ku dhawaaqaya xukunka Maxkamadda.

Wasiirada Caafimaadka oo dhagax-dhigtay qeyb cusub ee Isbitaalka Mediina

Wasiirka Caafimaadka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa 10kii Maarso dhagax-dhigtay qeyb cusub oo gurmadka deg-dega ah loogu talagalay, taasi oo lagu soo kordhiyay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Wasiirka Caaafimaadka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa kormeer howleed ku tegtay isbitaalka Madiina, iyadoo maamulka isbitaalka ka dhageysatay warbixin. Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa xusay in waxgalka isbitaalka uu kor u qaadi doono qeybta cusub ee lagu soo kordhiyay. Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in qeybta cusub ay dhagax-dhigtay uu wax weyn ku soo kordhin doono adeegyada uu isbitaalka u hayo bulshada Soomaaliyeed.

Howlgal ciidan oo lagu dilay 5 Al-Shabaab ah deegaanka Miir-Taqwo

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa 10kii Maarso 2016 howlgalo ka dhan ah Al-shabab waxaa ay ka sameeyeen deegaanka Miir-Taqwo oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Shan kamid ah maleeshiyaadka kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab ayaa la diley, 8 kalena waa la dhaawacay markii ciidanka xooga ay weerar ku qaadeen goob fadhiisan u aheyd maleeshiyaadkaasi. Al-shabaab ayaa sameey iska caabin hase yeeshee laga itaal roonaaday ugu dambeyntii. Ciidanka howlgalka ka sameeyay deeegaanka Miir-Taqwo ayaa ka dhaqaaqay deegaanka Ceel-Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe isla markaana howlgalka sidii loo qorsheeyay uu u dhacay.

1 2 3 4 5 6 8 9 10 11

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here