Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

1347

Mogadishu, 14 November 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Horjoogayaal Al-Shabaab oo ciidanka isku dhiibay, Bankiga Adduunka oo ammaanay horumarka iyo hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya, Dib u eegista Dastuurka oo meel fiican mareysa, Wasiirka Iskaashiga Caalamiga Sweden oo soo gaartay Soomaaliya, Wadatashiga nooca doorasho ee 2016 oo gobollada ka bilowday, Baarlamaanka Puntland oo doortay Guddoomiye cusub, Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo la magacaabay, Dowladda Soomaaliya oo muwaadiniin Iraaniyiin ah ku wareejisay Safaaradda Iran, Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo la dhagax-dhigay, Saldhiga Booliska Xamar Jajab oo la dhagaxdhigay, Garoonka Ciyaaraha Laqanyo oo xariga laga jaray iyo Guriga Martida Degmada Balanbal oo la dhagax-dhigay.

Horjoogayaal Al-Shabaab oo ciidanka isku dhiibay

Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa 11kii November 2015 isku dhiibay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Ceel buur ee gobolka Galgaduud. Kornayl Axmed Maxamed oo ka tirsan sarakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in labo horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab ay isu soo dhiibeen ciidanka xoogga dalka ee degmada Ceel buur. Sarkaalka ayaa sheegay inay la soo xiriireen saraakiisha halkaasi ku sugan, si cadowga uusan u soo dabo gelin, hadana gacanta ayaa lagu hayaa ayuu yiri Kornaly Axmed. Kornal Axmed Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay inay soo dhaweynayaan maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ee ka faa’iideysanaysa fursadda ay dowladda siisay, ee ah in ciddii ka soo goosata Al-Shabaab la soo dhaweyn doono, isagoo baaq u diray kuwa kale ee ay qaldeen argagixisada Al-Shabaab.

Bankiga Adduunka oo ammaanay horumarka iyo hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya

Bankiga Adduunka ayaa bogaadiyay isla markaana ammaanay horumarka iyo hufnaanta Nidaamka maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib kulan ballaaran oo 10kii November 2015 ka dhacay magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka, waxaana sidoo kale kulanka joogay khubaro iyo saraakiil sare sare oo ka socotay Bankiga Adduunka (World Bank). Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin uu diyaariyay Bankiga Adduunka taasoo cabireysay nidaaamka maaliyadda dalka, waxaana lagu xusay in saddexdii sano ee ugu dambeysay Soomaaliya ay gaartay horumar baaxad leh oo dhanka amniga, dib u dhiska, iyo hagaajinta hay’addaha ku shaqada leh maaliyadda, waxaana lagu xusay in loo baahan yahay sharciyo loo dejiyo nidaamka dhaqaalaha guud ahaan dalka, si loo helo maalgelin shisheeye iyo tayeynta nidaamka ganacsiga dalka iyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay oo haatan ku shaqeeya xaalad adag. Bella Bird oo ah u qeybsanaha Bankiga adduunka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gaartay horumar muuqda, loona baahan yahay in la sii wado, waxayna tilmaantay in nabadda iyo xasilinta dalka ay qeyb weyn ka qaadan karto, dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha. Sidoo kale waxey sheegtay in ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka uu sameeyay horumar baaxad leh, waxaana loo baahan yahay inay abuuraan fursado shaqo oo dhalinyarada ah. Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa soo dhoweeyey warbixintan uu soo bandhigay Bankiga Adduunka, isaga oo xusay in xukuumada Federaalku ku dadaashay sidii loo heli lahaa nidaam Hufan oo maaliyadeed.

Dib u eegista Dastuurka oo meel fiican mareysa

Wasiirka Dasuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xusay in dib u eegista lagu sameynayo dastuurka KMG ah ee dalka uu meel wanaagsan marayo, isla markaana uu ku rajo weynyahay in dhawaan la soo gabo gabeyn doono. Wasiirka ayaa tilmaamay in Guddiga Maxada banaan ee dib u eegista dastuurka ay soo gudbiyeen cutubyo ka tirsan dastuurka, kuwaasi oo kala ah koowaad iyo afaraad oo ay turxaan bixin ku soo sameeyeen, 30-ka bisha Maarsana guud ahaan la soo gabo gabeyn doono. Wasiirka ayaa sheegay in horaanta bisha April 2016 loo gudbin doono baarlamaanka, walow ay go’aanka ugu danbeysa leeyihiin shacabka oo afti loo qaadi doono, inta ka horeysana la sii joogteyn doono la tashiyada ku saabsan dib u eegis lagu sameeyo cutubyo ka tirsan dastuurka. Guddiga Madaxa Bannaan ayaa 9kii November 2015 ay Guddiga baarlamaanka ee dastuurka u qaabilsan ku wareejiyeen labo cutub oo ay wax ka badal ku soo sameeyeen, kuwaasi oo kala ahaa cutuyada koowaad iyo afaraad, iyagoo guddiga lagu wareejiyay cutubyo kale oo kala ah 1aad, 3aad iyo shanaad si ay dib u eegis ugu soo sameeyaan.

 

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga Sweden oo soo gaartay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa 9kii November 2015 xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Dawladda Sweden oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, saraakiil sare sare oo ka socotay G7+ oo ah madal ay ku mideysan yihiin dalalka deeq-bixiyeyaasha Barnaamijka Hiigsiga cusub. Waxaana kulanka goob joog ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka iyo Wasiiru dowle-yaasha Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibedda. Wafdiga ayaa kala hadlay Xubnaha Golaha Xukuumadda ee ay la kulmeen, horumarinta Barnaamijka New Deal, iyadoo la isku soo qaaday arrimo dhowr ah oo ka mid tahay caqabadaha hortaagan fulinta howlaha mudnaanta leh ee ku jira Barnaamijka Hiigsiga cusub, (New Deal). Waxaana la isla gartay in si deg deg ah loo fuliyo mashaariicdii la ansixiyey ee barnaamijka Hiigsiga cusub, gaar ahaan arrimaha muhiimka u ah Hiigsiga 2016. Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in wax badan aysan ka qabsoomin barnaamijyadii la qorsheeyey, isaga oo ka codsaday deeq-bixiyeyaasha in si deg deg ah loo fasaxo kharashaadkii la ballan qaaday si loogu fuliyo masharaacdii la ansxiyay. Isagoo tilmaamay qodobada u baahan in wax laga qabto ay ka mid yihiin Dastuurka, Caddaaladda iyo Amniga. Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiraxmaan Caynte, ayaa saxaafadda uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in ay ka mid yihiin mashaariic lagu hormarinayo dowlad-nimada Soomaaliya, kuwaasi oo la soo marsiiyey khasnadaha uu leeyahay barnaamijka New Deal, waxaana ka mid ah mashaariicdaas kuwo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo qaar lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda. Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin ayaa ugu danbeyn sheegtay in wax yaabaha ay kala hadleen Dawladda Soomaaliya ay u gudbin doonaan deeq-bixiyeyaasha, iyadoo rajo ka muujisay in la saxo caqabaddaha jira, lana dardargeliyo mashaariicdii la qorsheeyey fulintooda, sida ugu dhaqsaha badan.

Wadatshiga nooca doorasho ee 2016 oo ka bilowday Gobollada

Gobollada dalka qaarkood ayaa waxaa ka bilowday wadatashiga bulshada ee ku aadan nooca doorasho ee la qaban karo 2016ka. Dowladda Federaalka ayaa horey u shaacisay inasan macquul aheyn in dalka laga hirgeliyo doorasho hal shaqsi hal qof ah, hase yeeshee ballanqaaday inay dooneyso inay dhacdo doorasho ka sharciyad xoogan tii 2012kii dalka ka dhacday. Sidaas daraadeed, ayaa Madasha Heer Qaran ee Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxda Qaranka iyo bulshada rayidka ay xubno ka wada yihiin ayaa waxaa lagu go’aamiyey in guddiyada loo xilsaaran wadatashiyadan inay bulshada wada gaaraan oo loo bandhigo 4 nooc doorasho oo ay kala dooranayaan kuwaas oo ay ka mid yihiin, mid axsaabta siyaasada ku tartameyso oo xisbi walba inta cod uu helo oo xildhibaano uu yeelanayo, midda labaad ayaa ah in degmooyinka dalka ee 1991kii jirey ay xildhibaano soo doortaan, midda seddexaad ayaa ah in Dowlad Gboleedyada ay iyaga soo xushaan xildhibaanada u matalaya heer Federaal iyo nooca afaraad oo ah in habkii awood qeybsiga beelaha lagu soo xulo xildhibaanada iyadoo weliba la doonayo in la sii xoojiyo sharciyadooda isla markaasna si caddaalad ah loo soo xusho xildhibaanada.

Baarlamaanka Puntland oo doortay Guddoomiye cusub

Axmed Cali Xaashi ayaa 9kii November 2015 loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaasoo ay ku tartamayeen illaa saddex musharax. Wareega kowaad ayaa waxaa ku tartamayay ilaa iyo saddex musharax kuwaasi oo kala ah Axmed Cali Xaashi, Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Saciid Samatar, waxaana wareegii kowaad ay codadka u kala heleen, Axmed Cali Xaashi oo helay 40 cod, Cabdixakiin Maxamed Axmed oo helay 19 cod iyo Saciid Samatar oo isna helay 3 cod. Axmed Cali Xaashi ayaa helay 41 cod wareegii labaad, halka musharaxii kale Cabdixakiin Maxamed Axmed uu isna helay 22 cod, sidaasina waxa uu Axmed Cali Xaashi ku noqday Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, sida uu shaaciyay Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan. Waxaa uu noqonayaa Guddoomiyihii labaad ee Baarlamaanka Puntland, kadib markii 28-kii October uu Xilka Guddoomiyihii Baarlamaanka iska casilay Saciid Xasan Shire.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo la magacaabay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa 8dii November 2015 magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug iyo ku-xigeenadiisa. Xafladii magacaabista oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirada Waxbarashada, Caafimaadka, Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, Wasiir ku-xigeenka Cayaaraha iyo Dhalinyarada, Wasiir ku-xigeenka Cadaalada, Xildhibaanno, madaxdii hore ee Galmudug soo maray, siyaasiyiin, Qurba-joog, Haween, Culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobalka Mudug. Munaasabada ayaa lagu shaacinayay Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Guddoomiyaha gobalka Mudug loogu magacaabay Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan. Guddoomiyaha cusub ee gobalka Mudug Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan oo madasha isna ka hadlay ayaa ka mahadceliyay xilka loo magacaabay, waxuuna ugu baaqay bulshada reer Mudug inay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa gobalkaan. Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo gaba-gabadii xaflada ka hadlay ayaa sheegay inuu karti iyo aqoon usoo xushay Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan inuu noqdo Guddoomiyaha gobalka Mudug, waxuuna kula dardaarmay inuu Bulshada gobalka Mudug ugu shaqeeyo si howl-karnimo iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay. Mudane Cabdikariin ayaa Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug Mudane Aways Cali Siciid ku ammaanay iuu wax badan ka qabtay arrimo ay ka mid tahay ammaanka magaalada Gaalkacyo, waxuuna Guddoomiyaha cusub uu tilmamay in ay hor taalo shaqo adag oo loo baahan yahay in uu wax badan ka qabto.

Dowladda Somalia oo muwaadiniin Iraaniyiin ah ku wareejisay Safaaradda Iran

Dowladda Soomaaliya ayaa 8dii November 2015 mas’uuliyiinta Safaaradda Iiraan ee Soomaaliya ku wareejiyay muwaadiniin u dhashay Iiraan oo dhawaan laga soo furtay kooxo burcad badeed Soomaali ah. Wasiirka Amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo mas’uuliyiinta safaaradda Iiraan ee Soomaaliya ku wareejiyay afarta nin ee dhawaan laga soo furtay kooxo burcad badeed ah ayaa ugu horeyn u mahadceliyay ciidankii soo furtay. Horaanta sanadkan ayaa muwaadiniinta u dhalatay dalka Iiraan laga afduubtay xeebaha dalka waxaana dhawaan soo badbaadiyay ciidanka amniga ee Galmudug, kuwaasi oo ku wareejiyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo la dhagax-dhigay

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa 7dii November 2015 si wada jir ah u dhagax Dhigay dib u dhis lagu sameynayo safaaradii ay dowlada Soomaaliya ku Lahayd deegaanka Weslands ee magaalada Nairobi. Dhax Dhigga safaarada ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), ganacsato iyo waxgarad. Fatxudiin Cali Maxamed oo ah madaxa gudiga ganacsatada Soomaaliyeed ee dib u dhiska ku sameynayo safaarada ayaa sheegay in ay garteen in ay dib u dhisaan safaarada oo ah guriga shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalkani Kenya. Fatxudiin ayaa sheegay in din u dhiska safaarada ay ku baxeyso lacag dhan hal Milyan oo doolar, waxana uu sheegay in dhismaha safaarada lagu soo gabagabeyn doono mudo afar bilood ah, shacabka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan. Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahad celiyay safiirkii ka horeeyay Maxamed Cali Nuur Ameriko iyo shaqaalaha safaarada oo dadaal dheer ka dib ku guuleystay dib u soo celinta safaarada oo in mudo ah uu haystay nin u dhashay dalka Hindiya. Danjire Jamaal ayaa sheegay in dhismaha safaarada ay u saareen gudi ganacsato ah oo bilaabaya dib u dhiskeeda, waxana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska safaarada. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa u mahad celiyay dadkii soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay dib u soo celinta safaarada, waxana shacabka soomaaliyeed uu ugu baaqay in gacan ka geystaan sidii safaaradan dib loogu dhisi lahaa. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in gurigan ay leedahay ummada Soomaaliyeed, iyadana loogu adeegayo, waxana uu u mahad celiyay ganacsatadii uruurisay lacagta lagu bilaabayo dhismaha safaarada, isagoo ugu baaqay ganacsatada kale in ay ka qeyb qaatan.

Saldhiga Booliska Xamar Jajab oo la dhagaxdhigay

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo maamulka degmada Xamar Jajab ayaa 7dii November 2015 si wada jir ah u dhagax dhigay saldhig boolis oo laga hirgelinayo degmada Xamar Jajab. Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dhagax dhiga xarunta cusub ee booliska laga hirelinayo degmada Xamar Jajab, waxaana uu shacabka ka codsaday inay ka qeyb qaataan dhismaha xaruntan cusub. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ugu baaqay ganacsatada inay ka qeyb qaataan dhismaha xarunta cusub, maadaama loogu adeegayo bulshada ku dhaqan degmada, waxaana uu xusay in tani ay qeyb ka noqon doonto mashruuca dhiso dalkaaga.

Garoonka Ciyaaraha Laqanyo oo xariga laga jaray

Dhismaha garoonka Ciyaaraha oo bilihii ugu danbeeyayba soo socotay, ayaa 6dii November 2015 waxaa xarigga ka jaray guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax. Garoonka ayaa loogu magac-darray alle ha u naxariistee Amb. C/kariin Faarax Laqanyo. Cayaar xiiso badan oo ay u soo daawasho tageen boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafaddaha magaalada Beledweyne, ayaa ku dhaxmartay garoonka kooxo kubada cagta ah oo ka kala socday gobollada Hiiraan & Galguduud, waxaana ay cayaartu kusoo dhamaatay 1-0 oo ay guusho ku raacday kooxda kubada cagta gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xassan Afrax oo hadal u jeediyay cayaartooyada iyo dadkii u soo dhaawasho tagay, ayaa sheegay in dhismaha garoonka laga soo maray maraaxilo kala duwan, hase ahaatee ugu danbeyntii suurtagashay in si rasmi ah xariga looga jarro. Waxaa uu amaan u jeediyay guddoomiyaha cayaartooyada labada dhinac ee tartanka dhax-maray, isaga oo sheegay in isboortigu qeyb-weyn ka qaato is dhax-galka bulshada iyo xoojinta nabad-galyada. Taliyaha ciidammada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubad oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta u soo daawasho tagtay cayaarta, ayaa sheegay in ciidanka Hiil-Walaal qeyb-weyn ka qaadan doonaan soo nooleynta cayaaraha, gaar ahaan siddii loo tayeen lahaa bahda isboortiga gobolka Hiiraan.

Guriga Martida Degmada Balanbal oo la dhagax-dhigay

Madaxwayne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay weheliyaan Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlada Galmudug iyo maamulka Degmada Balanbal ayaa 8dii November 2015 dhagax dhigay guriga martida ee Degmada. Madaxweyne ku Xigeenka iyo Waftigiisa ayaa sidoo kale booqasho ku tagay xarunta garsoorka Degmada, Iskuulka Sare ee Degmada Balanbal, Guriga haweenka Degmada iyo Kuleej dhismihiisa uu waqtigaasi socday oo loogu tala galay in lagu daryeelo, laguna koriyo Agoonta ku dhaqan magaalada Balanbal. Wafdiga ka socday Dawlada Galmudug ayaa waxaa warbixin siiyey Gudoomiyaha Degmada Balanbal Hareeri Xasan Barre oo tilmaamay in Degmadu ay wado dadaalo lagu soo celinayo adeegyadii bulshada. Madaxwayne ku Xigeenka dawalada Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa dhankiisa ka warbixiyay kormeerka ay ku mareen xarumaha Bulshada Degmada Balanbal waxaana uu sheegay in dawladiisu ay xil iska saari doonto wax u qabashada bulshada Galmudug.

1 2 3 5 6 7 9 10 12 unnamed

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here