Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afganistaan

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 31 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar hoobiyaal ah saakay ka dhacay magaalada Kabul ee xarunta Dalka Afgaanistaan.

Boolisku waxay sheegeen in weerarku dhacay waqtigii dadku ay shaqda aadayeen, taas oo ah xili mashquul badan

Weerarka wuxuu ka dhacay meel u dhow goobaha ay saafaradaha iyo diblomaasiyiinta ajnabiga ah ka dagan yihiin magaalada Kabul.

Weerarkan ayaa imaanaya, iyada oo shirka deeq yaboohida Afgaanistaan uu labo cisho kaddib ka furmayo magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo caawin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Afgaanistaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here