Wiil 17 sano jir ah oo ka soo goostay Alshabaab

Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ee halkaas ku sugan uu isku soo dhiibay Maxamed Ibraahim Cabdi oo ka tirsanaa Alshabaab.

Maxamed oo argagaxisada u yaqaanaan Fu’aad ayaa da’diisu tahay 17 sano, isagoo la soo galay hubkiisa.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo maamulka degmada ayaa soo dhaweeyay wiilkan ka soo goostay argagaxisada Alshabaab oo in muddo ah ka tirsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here