Xaalada cudurka karoonaha ee dalka UK ayaa u muuqata in ay iminka gaartay meel halis ah waxaana isa soo taraya digniinaha ay bixinayaan dhaqaatiirta caafimaadka kuwaas oo dowlada loogu sheegayo in aanay isdhigan oo talaabo ay qaado.

UK waxay iminka noqotay dalka ugu dhimashada badan cudurka Covid-19 guud ahaan qaarada Yurub waxaana dhimashadu ay dhaaftay 50,000.

Sida ay sheegtay waaxda caafimaadka UK ee loo yaqaan NHS waxaa 24 saac ee la soo dhaafay la diiwaan galiyay 595 dhimasho ah.

Sidoo kale waxaa cudurka laga helay dad ka badan 22,000 oo qof .

UK hada waa dalka shanaad ee ugu dhimashada badan karoonaha guud ahaan aduunka waxaana ka horeeya Mareykanka,India,Brazil iyo Mexico.

Ra’isulwasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay in dhimasho kasta ay musiibo tahay dowladuna qaadi doonto talaabo kasta oo cudurka lagu xakameynayo.

UK hada waxay ku jirtaa bil xayiraad ah oo dhamaan doonta 2 December kadib markii bilowga bishaan November uu cudurku sare u kacay.

Hada waxaa la galay xiliga qabowga oo halis badan taas kaalin ka qaadan karta qatarta cudurka .

Tan iyo bishii Maarso ee sanadkan waxaa UK uu cudurka ku dhacay 1.8 malyuun oo qof

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here