Xaalada Deegaanka Suuj Ee Gobolka Nugaal Oo Saakay Degan

Xaalada Deganaasho ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto deegaanka Suuj eek a tirsan Gobolka Nugaal oo maalmihii dambe ay ku dagaalamayeen Argagaxisada Al Shabaab iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland oo khasaara xoog leh lagu gaarsiiyay argagaxisada.

Mas’uuliyiinta maamulka Puntalnd ayaa sheegay in Ciidamo xoog leh la geeyay deegaankaasi qorshuhuna uu yahay in la bur buriyo kooxaha Argagaxisada ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaana ka tirsan Puntland kuwaasi oo dhinaca bada si dhuumaaleysi kaga soo gudbay.

Abaabul xoog leh ayaa ka soconayaa deegaano ka tirsan gobolka Nugaal oo lagu doonayo in lagu soo afjaro kooxaha cadow diimeedka ah ee shaqada ka dhigtay leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed.

Wixii Warar Ah Ee Ku Soo Kordha Waan Idiin Soo Gudbin Doonaa Insha’allah

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here