Ergeyga Gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo cambaareeyay qaraxii Shaqalaha UN-ka lagula beegsaday garowe.

1108

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay oo cambaareeyay weerar lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo kusugnaa Garoowe

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, SRSG Nicholas Kay ayaa si aad ah u cambaareeyay weerarka lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo yaalay magaalada Garoowe weerarkaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

“Waxaa iga nixiyay igana walwaliyay waxa maanta ka dhacay Garoowe. Waxaa aad u fool xun sida loo qiimo tiray nolosha dad ka shaqeeynayay arimaha Bani-aadanimadda iyo mashaariicda horumarineed ee ku aadan baahida dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah SRSG Kay.

Saakay abaarihii marka ay ahayd 2-da saac ee subaxnimo ayaa gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka shaqeynaayay Garoowe, Puntland, lala beegsaday waxyaabaha qarxa ( IED), waxaana ku waxyeeloobay dad aan tiradooda la garaneyn, waxaana socda dadaal gurmad ah oo looga jawaabayo dhibkii dhacay.

“Arintaan waxay murugo ku abuurtay Qaramada Midoobay, hadana waxay u mideysanyihiin sii wadida howlahooda. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay dadka Soomaaliyeed barbartaagnaato. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku nafwaayeen iyo kuwii ku dhaawacmay ama wax ku noqdayba.” Ayuu yiri SRSG kay.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here