Xaflad lagu weyneynayo sanadguurada ciidanka booliiska oo caawa ka socota Muqdisho

781

Munaasbad balaaran oo lagu maamuusayo xuska sanadguuradi 71-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa caawa ka socota xarunta ciidanka Booliiska ee magaalada Muqdisho.

Xafladda oo si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay ayaa waxaa goob joog ka ah ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, taliyayaasha ciidamada qalabka sida, sareeyayaasha ciidanka booliiska iyo marti sharaf kale.

Fanaaniinta kooxda booliiska ee Heegan iyo kooxda bambeyda ayaa halkaasi kusoo bandhigaya heeso iyo sugaan kala duwan oo ka tarjumeysa waxqabadka booliiska Soomaaliyeed.

Gen. Cismaan Cumar Wehliye “Gas Gas” oo ah ku simaha taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu khudbad ku saabsan howlaha booliisku u hayo bolshada ka jeediyo halkaasi.

Sanadguuradii 71-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliiska ayaa oo ku asteysan maanta ayaa looga dabaal degay Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here