Xafladda lagu soo xirayay xuska aas aaska ciidanka XDS oo lagu qabtay Muqdisho-Sawirro

0
2521

Munaasabadan oo gabagabo u aheyd Xuska sanad guurada 56 aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka oo maalmahaan ka soctay maqaalada Muqdisho iyo gobalka dalka isla markaan ay ka qeybagaleen mas’uuliyiin uu kamid yahay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, wasiirka gaashandhigga saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida diblomaasiin iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtey Xarunta taliska ciidanka xoogga dalka .

Cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka ayuu ku-simaha ra’iiysulwasaaraha dalka ka qaatay Salaan sharaf iydoo ay garbihiisa  taagnayeen wasiirka difaac iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Intaas kadib fanaaniinta kooxda horsed ee ciidanka xoogga dalka waxa ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ka tarjumeysay howlaha ay dalka u hayaan ciidanka xoogga dalka ee ku aadan difaaca dalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka sareeyo gaas,Maxamed Aadan oo ugu horeyn ka Hadley munaasabada ayaa ugu mahadceliyay dowladaha Soomaaliya ka taageerayay dhismaha iyo tayaynta ciidanka xoogga.

Wasiirka gaashandhigga ee xukuumada federaalka Soomaaliya jeneraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) ayaa sheegay in daruufaha dalka jira loogu bixi karo in laga qeyb qaato dhisamaha ciidanka xoogga dalka.

 “Waxaan leeyahay carruurtan waxaaan ka badbaadin karnaa markii dhisano ciidamada nabadagaliyada aan ku soo dabaalno dalka nabad, waxaa ka badbaadinaynaa anigoo isku duuban in la khaldo carruurta isla markaanaana iska dhaafno kala qobqobka bulshada  dhexdeeda ah,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in dalka ay ahmiyad weyn u leeyihiin ciidanka xooga dalka isla markaana loo baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha iyo tayaynta ciidanka qalabka sida guud ahaan.

IMG_0263 IMG_0264 IMG_0267 IMG_0268 IMG_0271 IMG_0273 IMG_0275 IMG_0276 IMG_0278 IMG_0279 IMG_0281 IMG_0282 IMG_0286 IMG_0287 IMG_0288 IMG_0289 IMG_0293 IMG_0296 IMG_0299 IMG_0300 IMG_0301 IMG_0304 IMG_0311 IMG_0315 IMG_0322 IMG_0326 IMG_0329 IMG_0330 IMG_0336 IMG_0351 IMG_0352 IMG_0357 IMG_0358 IMG_0365 IMG_0384 IMG_0385 IMG_0396 IMG_0407 IMG_0408 IMG_0419 IMG_0421 IMG_0468 IMG_0492 IMG_0509 IMG_0532 IMG_0533 IMG_0534 IMG_0539heekh Cali (Diini) ayaa sheegay in daruufaha dalka jira loogu bixi karo in laga qeyb qaato dhisamaha ciidanka xoogga dalka.

 “Waxaan leeyahay carruurtan waxaaan ka badbaadin karnaa markii dhisano ciidamada nabadagaliyada aan ku soo dabaalno dalka nabad, waxaa ka badbaadinaynaa anigoo isku duuban in la khaldo carruurta isla markaanaana iska dhaafno kala qobqobka bulshada  dhexdeeda ah,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in dalka ay ahmiyad weyn u leeyihiin ciidanka xooga dalka isla markaana loo baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha iyo tayaynta ciidanka qalabka sida guud ahaan.

Gabagebadii munaasabadda ayaa ra’isul wasaare ku xigeenka waxaa uu shahaado sharaf guddoonsiiyay danjiriyaasha dalalka Jabuuti, Suudaan iyo saraakiil ka socotay howlgalka midowga Yurub ee tababarada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here