Xafladda Qalin Jabinta Dufcadda 3-aad ee Jaamacadda Jazeera oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

0
356

Xafladda Qalin jabinta Jaamacadda Jazeera dufcadda 3-aad, waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah madaxda dowladda, gaar ahaan Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka, Madaxda Jaamacadaha, Isbitaalada, bulshada rayidka, daladaha waxbarashada, Culimada iyo Waalidiinta.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jazeera Prof Salaad Ibraahiim Fiidow ayaa u hambalyeeyay guud ahaan ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Jazeera, isagoo kula dardaarmay iney dhaqan galiyaan wixii ay barteen, bulshadana ugu adeegaan qaab wanaagsan.

Dhammaan Mas’uuliyiinta lagu casuumay munaasabadda ayaa ka wada sinnaa hambalyada iyo bogaadinta ardayda ka qalin jabisay qaybaha kala duwan ee kulliyadaha Jaamacadda Jazeera, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Caafimaadka, Cilmiga Kombiyuuterka , Waxbarashada iyo  Injineerin.

Jaamacadda Jazeera oo ka mid ah Jaamacadaha ilaaliya tayada iyo akhlaaqda wanaagsan ayaa soo saartay mudadii ay jirtay arday aad uga dhex muuqda bulshada qaybaheeda kala duwan, ardaydaas oo lagu soo abaabiyay dhaqan wanaagsan iyo waxbarasho tayo sare leh, wuxuuna maamulka sare ee Jaamacadda Jazeera ballan qaaday inuu joogtayn doono adeegga waxbarasho ee uu u haayo ubadka Soomaaliyeed ee mudada dheer burburka ku jiray.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here