Xarumihii dowladda ee Dhuusamareeb oo la dayactirayo

0
971

Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan dib u dayactir lagu sameeynayo xarumihii dowlada ee ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay.

Macalin C/raxmaan Cali Maxamed “Geeda qoroow” ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dhismaha xaruntii weyneyd ee Inji ay heer geba gebo ah mareeyso, wuxuuna intaa ku daray in dhismaha xaruntaasi ay iska kaashadeen maamulka degmada, kan gobolka, qeybahaha bulshada iyo ciidamada qalabka sida oo uu tilmaamay iney gacan ka geysteen dhismaha xaruntaasi.

Gudoomiye “Geeda qoroow” ayaa u mahadceliyay bulshada ku nool afarta xafadood ee magaaladaasi oo uu sheegay ineey kaalin wax ku ool ah ka qaateen dhismaha xarumaha maamulka degmadaasi.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here