Xarunta Daarul-Ifta oo soo jeedisay in laga hortago Argagaxisada Kooxda Al-shabaab(UGUS).

0
1656

Mogadisho(SONNA)-Xarunta Daarul-Ifta oo ka faalloota arrimaha Diinta Islaamka fadhigeedu yahay  Magaalada Qaahira  ee Dalka Masar, ayaa dalbatay in lagamamaarmaan ay tahay in laga hortago isku dayga Kooxda Shabaab ay ku doonayso inay ku xidido siibto fikirka toosan iyo madaahiibta Suuban ee Somaliya.

Xaruntu waxay carabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in la hor istaago ilaha maalgalinta u ah Kooxda Al-shabaab,taasoo ay ku jirto Lacago looga soo diro qaar ka mid Dawladaha reer yurub iyo Ganacsiga gaar ahaan Dhuxusha,sidoo kale in la go’doomiyo Dekedaha ay u adeegsadaan ganacsigooda.

Arrintani waxaa lagu sheegay warbixinta 26-aad ee ay soo saartay Xaruunta Daaruifta,taasoo cinwaan looga dhigay kooxdaShabaabka Somalia fikir ahaan,ficil ahaan iyo wadiiqadda  looga hortagi karo,taasoo lagu soo qaaday aas-aaska fikirka,ujeedadooda iyo aydooloojiyada Kooxda,waxaa sidoo kale lagu soo qaaday warbixintafarsamooyinka ay u isticmaalaan gaaridda hadafkooda dhammaadka ah.

Xarunta Fatwada  waxay milicsatay muhiimada ay leedahay isku xiridda iyo abaabul loo sameeyo jamaacooyinka iyo ururada kale ee ku sugun wadamada deriska la ah Somaliya iyo in laga faai’daysto Jaaliyadaha,iyadoo fikir ahaan loo diyaarinayo ka hortagga fikirka xag mayal adeegga iyo la dagaalanka xadgudubka ku tala-tagga Diinta Islaamka ee muqadaska iyo xag-jirnimada.

Sidoo kale waxay dalbatay Daarul-ifta in maalgalin lagu sameeyo qalabka warbaahinta,sii fiicanna looga faaidaysto ka hortagga fikirka xag-jirnimada iyo baahinta maskaxda toosan,iyadoo la saxayo fahamka lana muujinayo fikirka qaloocan,taasoo loo adeegsanayo warbaahinta,si ay u saxaan fikirkaasi guracan oo ay faafiyaan Kooxdaasi.

Warbixinta waxaa lagu soo qaaday qaar ka mid waxyaabaha qaldan ee kooxda sida;-in Xukuumadaha iyo Maamulada siyaasiga jira ay u aqoonsadeen maamul kufri iyo Ri’ddo isbahaysi la ah cadowga Islaamka,iyagoo Dil,rabshado iyo qarax ka dhigay waddada toosan ee wax lagu sixi karo ee lagu dhisi karo nidaam bulsho,siyaasadeed iyo mid dhaqan,waxayna kooxdu meel iska dhigtay dareenka wadaniyadda,iyagoo u arka fikir reer galbeed,Dastuurkana aan aqoonsanayn.

Warbixintu waxay intaasi ku dartay in kooxda ay gaalaysiiyaan Hay’adaha Waxbarashada,siyaasiyiintaiyo iyo maamulada,iyagoo tusaale u soo qaadatay weerrarkii Jaamacadda Gariza ee Dalka Kenya oo ay ku dhaf waayeen 148 arday iyo weerarkii u dambeeyay oo ay ku qaadeen xaruunta Wasaardda Tacliinta Sare,taasoo muujinaysa in ay la dagaalamayaan dhammaan aqoonta iyo horumarka.

waxaa tarjumay: Axmed Faarax ”Gaatamow”

Agaasimaha Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here