Xayiraad ka qaadista Axmed Nuur Jimcaale oo la soo dhaweeyay

2199

Kulankan oo lagu taageerayay go’aankii dowladda Mareykanka ay uga qaaday xayiraadii dhaqaale oo muddo 15 sano ah saarneyd ganacsade  Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale  ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Nuur Yuusuf Nuur, oo ku hadlayay  magaca dhalinyarada kulanka ka qeybgashay ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay go’aanka xayiraada looga qaaday ganacsade   Sheekh Axmed Nuur Jimcaale,waxaa uuna sheegay in ay soo dhaweynayaan xayiraada laga qaaday  ganacsadaha.

Sidoo kale dadkii kulanka ka hadlay ayaa waxaa si isku mid ah uga hadleen sida ay muhiim u tahay xariyaad ka qaadista ganacsade Axmed Nuur Jimcaale maadaama uu kamid yahay ganacsatada waa weyn ee Soomaaliyeed.

Sheekh Axmed Nuur Jimcaale, oo ah aas aasaha shirkadda isgaarsiinta ah ee Hormuud oo horey loo oran jirey Al-barakaat ayaa xayiraad dhaqaale dowladda Mareykanka ay ku soo rogtay muddo 15 sano ka hor ah kadib markii lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay ururka Al-qaacida, iyadoo dowladda Mareykanka ay go’aankaas hadda ka laabatay markii lagu waayay arintii lagu tuhmay.

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Maasha.allah ilaah baa maja iska leh Marks hore teeda mar walba sabarku waa muhim ahlu sabar wuxuu ku danbeyn waa la yaqaanaa waa macruuf .
    Waa farxad noo soo wada hoyatay dhamaanteen hadaan nahay soomaali meelaan joognaba waxaan Lee nahay mabruuk mabruuk mabruuk yaa akhii fillah cadow walba ilaahay ha naga qabto sabarkana ha la badiyo iyo ducada alle insha.allah.

    WABILAAHI TOOWFIQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here