Xeer Ilaaliyaha Guud Oo Radio Muqdisho Uga Waramay Heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya kala saxiixdeen ee ku aadan Maxaabiista ku xiran Dalkaasi “Dhageyso”

2344

Dalka India ayaa waxaa booqasho shan maalmood ah ku jooga wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaanimayo Wasiirka arrimaha dibadda xukumadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar Axmed iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir

Kulammo ay wafdiga la yeesheen madax India oo ay ka mid tahay wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka India Sushma Swaraj ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka badda, burcad badeedda iyo sii deynta maxaabiis Soomaali ah oo boqol ka badan oo xabsiyada dalkaasi ku xiran.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa ka war bixiyay Socdaalka ay ku joogaan Dalka India.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wada didaalo lagu soo wareejinaayo Maxaabiista Soomaaliyeed ku xirxiran Dalalka Caalamka oo ay qeyb ka tahay Wadanka India iyadoo dhawaan Dowladu ku guuleysatay soo daynta Maxaabiis ku xirnaa Dalka Ethiopia.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here