XEER SOOMAALIGII HORE IYO XEERARKA CASRIGA EE DALKU MAXAY KU KALA DUWANYIHIIN MAXAYSE ISAGA MIDYIHIIN?

HORDHAC

Qormadaan waxay ku saabsan tahay arrimaha ay iskaga mid yihiin Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah, waa is barbar-dhig muhiim ah oo muujinaysa isku ekaanshaha iyo kala duwanaanta labada xeer.

Qaybta hore waxaan ku soo bandhigeynaa dhawr arrimood oo ay iskaga midyiihin Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah, Qaybta xigta waxaan ku falanqeeyn doonaaarrimaha ay kukala duwan yihiin labada xeer.

Sida aan wada ogsoonnahay xeer Soomaaligii hore wuxuu ahmiyad u lahaan jiray ilaa maantana u leeyahay xallinta murannada iyo is qabqabsiga ka dhexdhaca bulshawaynta Soomaaliyeed, sidoo kalana wuxuu ka midyahay ilaha ugu muhiimsan ee qawaaniinta casriga ah ee dalku yeeshay Xurriyaddii kadib.

Qormadaan waxay ifin doontaa arrimo badan oo ka mid ah meelaha ay xiriirka ka leeyihiin,meelaha ay kukala duwan yihiin iyo sida ay isku dhameystiri karaanXeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah.

Qormadaan waxay ka kooban tahay qaybahaan soo socda:

  • Hordhac
  • Arrimaha ay isaga mid yihiin Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah
  • Arrimaha ay ku kala duwanyihiin Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah
  • Gunnanad

QAYBTA KOOWAAD: ARRIMAHA AY ISKAGA MID YIHIIN XEER SOOMALIGII HORE IYO XEERARKA CASRIGAA EE DALKA:

  1. Hannaanka xeer dejinta

Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga waxay iskaga mid yihiin arrima badan oo la xiriiro hannaanka xeer dejinta sida in xeerka marka la dajinaayo ay ka qayb galaan dadwaynuhu lana geliyo inta aan lasoo saarin kahor la tashi dad wayne, sidoo kale waxay iskaga mid ka yihiin in xeer kasta loo bixiyo ama loogu wanqalo magac gaar ah, si taa la mid ah labada xeer waxay ka simanyihiin in mawduuc kasta oo taabanaaya nolosha bulshada loo sameeyo xeer gaar ah oo nidaaminayo.

  1. Sababaha xeeer dejinta

Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casrigaa waxay isaga mid yihiin asbaabta xeer dejinta waayoo xeer lama sameeyo iyada oo aysan jirin baahi loo qabo iyo dhibaato taagan oo markaas ay lagama maarmaan  tahay in loo dajiyo xeer si looga hortago loona xaliyo ama loo daboolo baahida taagan xilligaas.

  1. t) Ilaha xeerarka

Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casrigaa a waxay isaga mid ka yihiin ilaha xeer uu ka soo fulo amba saldhigga u ah sida: dhaqanka, taariikhda, iyo hiddaha umadda soomaaliyeed, sidoo kale meelaha ay labada xeerba kasoo fulaan ama ay kasoo burqadaan waxaa ka mid ah shareecada islaamka oo saldhig u ah mid kasta oo ka mid ah Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casrigaa ee soomaalida[1]

 

   HABKA DACWAD QAADISTA.

  1. Noocyada dacwadaha

Xeer Soomaaligi hore wuxuu aqoonsanaa laba nooc oo dacwo kalana ah: dhiig ( Ciqaab) iyo dhaqan ( Madani), si taa lamid ah Xeerarka Casriga ah ee Soomaalidu dhigatay xuriyadii kadib waxay dacwadaha u qaybiyeen si lamid ah sida uu u qaybiyay Xeer Soomaaligi Hore oo nuucyada dacwadaha waxaa ugu muhiimsan Dacwad Ciqaab ah iyo mid Madani ah.

Waxaa xusid mudan in Xeer Soomaaligii hore aysan ku jirin dacwado ay kamid yihiin Dacwo Maamul iyo Dacwo Dastuuri ah sababtoo ah aalaaba dacawdahan waxaa dhinac ka ah Dawlad iyo wixii la xariira .

  1. Qareen qabsasho

Arrimaha ay ka simanyihiin Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah ee dalka u dagsan waxaa kamid ah qareen qabsasho marka la qaadaayo dacwadda, tusaala ahaan Xeer Soomaaligii Hore marka garta la dhagaysanayo oo labada dhinac is hortaagaan odayaasha garta qaadaya waxaa dhinacyada la weydiin jiray, iyadoo midba markiisa la weeydiinaayo in uu isagu isu doodaayo iyo in uu qareen qabsanayo si taa lamid ah Xeerarka Casriga ah ee Soomaaliga iyaguna waxay jidaynayaan in dhinacyado xaq u leeyihiin in ay qareen yeeshaan, mararka qaarna qareen qabsashadu waxay noqonaysaa  qasab .[2]

  1. Daahfurnaanta fadhiga dacwad qaadista

Arrimaha ay ka simanyihiin Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah ee Dalka waxaa kamid ah daahfurnaanta fadhiga dacwad qaadista tusaale ahaan Xeer Soomaaligii Hore garta waxaa lagu qaadi jiray geed hoostiis haddii ay maalin tahay haddii ay habeen tahayna fadhiga waxaa laga dhigi jiray meel iska banaan , meesha garta lagu qaadaayo cidna lagama celin jirin ama looma diidi jirin  ee dadka oo dhan ayay u furnaan jirtay .[3]

Sidoo kale Xeerarka casriga ah daahfurnaanta fadhiga maxkamadda waa mabda’ muhiim ah oo kamid ah mabaadi’da garsoor caddaalad ku dhisan.[4]

  1. Iska horkeenidda dhinacyada Dacwadda .

Xeer Soomaaligii hore garta lama Qaadi jirin iyada ooaan la hubsan in dhinacyada dacwaddu joogaan ama xaadir ku yihiin goobta garta lagu qaadaayo, dhinac kasta oo kamid ah dhinacyada dacwadda waxaa la siiya fursad uu ku sheegto dacwadda uu qabo ama uu uga jawaabo dacwadda loo qabo isaga [5].

Si taa lamid ah Xeerarka Casriga ee Dalka u yaalla waxay lama huraan ka dhigayaan iska horkeenidda dhinacyada dacwadda waxayna adkaynayaan in aan go’aan Maxkamadeed la soo saari karin hadii aan dhinacyada la iska horkeenin fursad isku mid ahna  lasiin .[6]

5- Usinnanta sharciga hortiisa

Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah waxay ka simanyihiin mabda’a u sinnnanta sharciga hortiisa, tusaale ahaan , xeerbeegta Ciise marka ay garta qaadayaan waxay dhahaan (dadku waa wada Ciise) oo loola jeedo ma jiro nin nin ka sarreeya , sidoo kale meela badan oo koonfurta Soomaaliya ka mid ah marka garta la furaayo waxay odayadu dhahaan (nin gafay ma wayna) oo loola jeedo maadaama dadka oo dhami gafayaan ma jiro ruux ka wayn ruux kale.[7]

Shuruucda Casriga ah ee Dalka, iyadana waxay jideynaysaa Mabda’a u sinnanta sharciga hortiisa sida uu qeexaayo qodobka kowaad ee DFKMG.[8]

6- Duridda Garsooraha

Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah waxay ka simanyihiin in haddii la helo Xaalado gaar ah oo lagu duri karo cidda garta qaadaysa, tusaale ahaan odayadu marka ay garta qaadayaan,  dhinacyada dacwadda  midkastoo ka mid ah wuxuu codsan jiray in guddiga garta qaadaayo laga reebo ninka uu ka baqaayo in uu ka eexdo wuxuuna sheegi jiray sababta uu uga baqaayo[9].

Xeerarka casriga ah iyane waxay qabaan Xaalado gaar ah oo garsooraha lagu duri karo nooc kasta oo ay dacwaddu tahay.[10]

7- Caddaymaha

Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah labaduba waxay ka simanyihiin in loo baahan yahay Caddaymo  oo marka dhinacyada dacwaddu soo jeediyaan sheegashooyinkooda waxaa laga doonayaa in ay ku xoojiyaan caddaymo.[11]

Xeer Soomaaligii hore Caddaymaha ugu muhimsan waxay ahaayeen:

  • Qiraal
  • Marag
  • Iyo dhaar

Sidoo kale Xeerarka Casriga ah iyaguna sadaxdaan nooc waxay ka mid yihiin caddaymaha ugu muhimsan, walow ay jiraan noocya kale.

8- Dadka Aan marag furkooda la oggolayn

Xeer Soomaalihii hore iyo Xeerarka Casriga ah waxay isku waafaqsan yihhin in aan la oggolayn marag furka qaraabada Tusaale Xeer Soomaaligii hore marqaati looma qabsa karo dadkaan hoos ku qoran:

  • Xigaalo ( tagoog)
  • Xasabo ( Farac)
  • Xidid
  • Xabiib
  • Iyo maganta [12]

Si taas la mid ah Xeerarka Casriga ah lama oggola marag furka qaraabada dhow ilaa darajada afaraad sida uu jideynaayo qodobka 178aad ee  XHMS.[13]

9- Qaabka go’aan  gaarista

Xeer Soomaaligii  hore iyo xeerarka casiga ah ee  dalku wax yaabaha ay ka simsan yihiin waxaa ka mid ah qaabka gaarista go’aanka, tusaale ahaan xeer  Soomaaligii hore, guddiga dacwadda qaaday waxay aadi jireen  showr , waxayna falanqayn jireen arrinka, shawrku markasta wuxuu ahaan jiray qarsoodi , kadib marka ay go’aan gaaraan waxay ku soo noqo jireen geedka shirwaynaha waxayna ku dhawaaqi jireen go’aanka iyaga oo sababaynaaya waafajinaayana xeerarkii jiray .

si taa la mid ah Xeerarka casriga ah ee Soomaalida Go’aan gaarista Maxkmaddu waxa ay ka dhacdaa qolka showrka, kadib dhageeysiga dacwadda waxaana rido garsoore ama guddi garsoorayaal ah hadba cidii gashay dhageeysiga dacwadda Marka maxkamaddu ka kooban tahay in ka badan hal garsoore, falanqayntu ama shuuradu waxay noqonaysaa qarsoodi.[14]

QAYBTA LABAAD ARRIMAHA AY KUKALA DUWANYIHIIN XEER SOOMALIGII HORE IYO XEERARKA CASRIGA EE DALKA:

Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah Waxay kukala duwan yihiin dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin kuwaan hoos ku qoran:

  • Dhignaanta qawaaniinta Casriga ah iyo dhignaan la,aanta Xeer soomaaligii hore

Arrimaha ay kukala duwan yihiin qawaaniinta casriga ah iyo Xeer soomaaligii hore waxaa ka mid ah in qawaaniinta casriga ahi ay qoran tahay halka xeer soomaaligii hore uu yahay mid aan qornayn.

Sababaha ugu muhimsan ee ay lama huraan u tahay in la qoro qawaaniinta casriga ah waxaa  ka mid ahin ay sahlanaato in qawaaniintani noqdaan kuwa  cid kasta ay u laaba karto marka shaki ka galo xaddidaadda micnaha qoddobka iyo waxa uu ka hadlaayo.[15]

Asbaabta dhignaan  la,aanta  Xeer Soomaaligii hore waxaa

ka mid ah kuwan hoos ku qoran:

  • Afka Soomaaliga oo aan qornayn xiligaas.
  • Dadka wax ku qora afka carabiga oo yaraa markaas.
  • Qalabka iyo aaladaha wax qorista  oo aad u yaraa xiligaas.
  • Xiriirka Xeeraka shisheeye

Xeeraka casriga ah ee Soomaalida Waxaa Xiriir kala dhexeeyaa xeerar dalal shisheeye, Xiriirkaas waxaa ka mid ah:

  • Aqoonsiga Xukunnada shisheeye, Madani iyo Ciqaaba
  • Isku dhiibidda iyo isku wareejinta dambiilayaasha iyo eedaysanayaasha
  • Aqoonsiga ikhtisaasaadka iyo awoodaha Maxkamadaha shisheeye iyo kuwa kale[16]
  • Qaadista dacwad dhinac maqanyahay

Xeerarka casriga ah marka la waayo dhinacyada dacwadda midkood lana buuxiyo shuruudaha ay jidaynayaan xeerarku way banaantahay in dacwadda la qaado isaga oo  dhinac maqanyahay, halka Xeer dhaqameedka ay shardi tahay mar kasta in dhinacyada dacwaddu  goobjoog yihiin.[17]

  • Dhaqan-galka Xeerka

Xeer Soomaaligu isla marka la sameeyo horay ayuu ka dhaqan-gali jiray, mana jiri jirin madax sare oo laga sugo saxiix ama oggolaansho.[18]hase ahaatee Xeerarka Casriga ah waxay u dhaqangalaan si taas ka duwan oo waxaa loo baahan yahay in madaxwaynuhu saxiixo, in lagu soo saaro faafinta rasmiga ah iyo in ay ka soo wareegato muddo ku tilmaaman isla xeerka.[19]

  • Go,aanka guddiga garta qaadaya waa in uu ahaadaa mid uu guddigu isla oggolyahay

Si ka duwan shuruucda Casriga ah Xeer Soomaaligii hore Guddiga garta qaadaayo waa in ay gaaraan Go’aan ay ku wada mideysan yihiin, hase ahaatee Shuruucda Casriga ah Go’aannada waxaa lagu qaataa   cod aqlabiyad ah.

  • Dhignaanta iyo dhignaan la’aanta Go’aanka

Xeer Soomaaligii hore Go’aanka guddiga garta qaadayo marwalbo waxaa laga sheegaa afka mana jiro Go’aan qoraal ah, halka Xeerarka Casriga ah xukunnada Maxkamaduhu ay lama huraan tahay in ay noqdaan kuwa qoran.

  • Su’aal waydiinta Marqaatiyada

Xeer Soomaaligii Hore, Marqaatiyada lama waydiin jirin wax Su’aal ah, [20] halka xeerarka Casriga ah marqaatiyada la waydiiyo su’aalo, inkastoo dacwadaha Madaniga ah iyo kuwa Ciqaabta ay kukala duwan yihiin hannanka su’aalo waydiinta.

H-Muddada Racfaan qaadashada

Xeer Soomaaligii hore Muddada Racfaan qaadashada waa hal maalin oo kaliya, maxaa yeelay labada dhinac marka la maqashiiyo go’aanka, shaqsigii  raali ka noqon waaya, wuxuu isla markaas ku dhawaaqi jiray in uu racfaan qaatay.[21]

Xeerarka Casriga ah iyaga muddada Racfaan qaadashada xukunnada Maxkamadaha waxaa ugu yar 30 Cisho halka Racfaannada liddiga ku ah Qaraarrada ay yihiin 15 cisho.

Gunaanad

Qormadaan kooban waxay iftiimineysaa Xiriirka ka dhexeeya Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah ee Soomaalidu yeelatay Xurriyaddi kadib, daraasadaan oo si kooban uga hadashay arrimaha ay isku waafaqsan yihiin iyo arrimaha ay kukala duwanyihiin.

Daraasadaan waa mid bilaw ah mana wada sheegayso wax kasta oo ay iskaga midyihiin Xeer Soomaaligii Hore iyo Xeerarka Casriga ah ee dalka uyaal iyo wax kasta oo ay kukala duwanyihiin.

Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in ay noqoto mid ifisay arrimo badan oo la xiriira Qormadaan.

Wabilaahi towfiiq

Qareen: Daahir Maxamed Cali

Tixraaca Daraasadda

  • Dastuurrada Soomaaliya oo dhan
  • Xeerka Nidaamka Garsoorka 1962
  • Xeerka Habka Madaniga
  • Xeerka Habka Ciqaabta
  • Axmed Cali ( Buraale ): Xeer Soomaaligii Hore
  • Ibraahim Axmed Cali: Aaya –Reeb
  • Cabdulqaadir Aroma: Sooyaalka Soomaaliya
  • Nicola Gladitz: Somali: A tradition Of law a research paper
  • Ingediend door: A Harmonized Legal System for Somalia and Analysis of its Different Judicial Systems.
  • Dr Andre Le Sage, report July2005Centre forHumanitarianDialogueStateless Justice inSomaliaFormal and InformalRule of LawInitiatives.

[1] . Fiiri Qodobka 2aad ee DFKM ee 1dii 8aad 2012, iyo xeer soomaaligii hore ee uu qoray Ahmed Sheikh Ali (BURAALE), Bogga: 17aad.

[2] . fiiri qodobada 34 iyo 35 ee dastuurka kumeel gaarka ah, qodobka 14 XNG 1962, Qodobada 15 iyo 16 XHCS , qodobada 55 iyo 56 XHM iyo boga 4aad ee buuga xeer soomaaligii hore ee uu qoray Axmed sh. Cali ( Buraale )

[3]Ibraahim Axmed Cali: Aaya-Reeb, sooyaalka Xeerka Ciise. bogga 261aad.

 

[4] Fiiri farqadda 1aad qodobka 107 ee DFKMS, Qodobka 88aad Ee XHMS Iyo qodobka 96aad Ee XHCS .

[5] . Axmed Sh. Cali Buraale marjic horay loo soo sheegay bogga 21aad.

[6] . fiiri tirsiga 2aad Ee qodobak 107 DFKS Iyo qodobka 69aad  Ee XHMS

[7] Cabdulqaadir Aroma: sooyaalka soomaaliya  Bogga  41aad

[8] fiiri qoddobka 11aad ee DFKMG

[9]  Booga 24aad

[10] Fiiri qoddobada 29aad ee XHMS , iyo 10aad ee  XHCS

[11] Cabdulqaadir aroma: Sooyaalka Soomaaliya, Bogga 41aad.

[12] Cabdulqaadir aroma: marjic horay loo soo sheegay

[13] Fiiri Qoddobka 178aad ee XHMS.

[14]Fiiri qodobka 86aad ee XHCS iyo 193aad ee XHMS

[15]https://universitylifestyle.net/

[16] 2,3,312 ilaa 317aad ee XHMS, iyo Qoddobada 10,iyo 282aad ee XHCS iyo qoddobka 36aad ee DFKMG

[17] Fiiri qoddobada 203, 204 , 238, iyo 239aad ee XHMS, iyo Qoddobada 128E  iyo !28F  ee XHCS

[18] Ahmed Sh. Ali ( Buraale)  , Marjic horay loo soo sheegay Bogga 18aad

[19] fiiri qoddobka 90aad ee DFKMG

[20] Nicola Gladitz: Somali: A tradition Of law  a research paper Boogga 6aad

[21] Ahmed Sh. Ali (Buraale) Marjic horay loo soo sheegay . Bogga 25aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here