Xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka oo markale laga shiray “SAWIRRO”

Guddiga Wadajirka ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa kulankii 3aad ee la-tashi iyo xogwareysi ku saabsan dhamaystirka xeerarka sharciga Doorashooyinka Qaranka la yeeshay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka oo uu shir-Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka iyo isxog-wareysi ku aadan 4-ta xeer ee guddiga loo soo xilsaaray in ay ka soo shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka Mudane Ibraahim Isaaq Yarrow ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil “Xallimo Yareey” latashiyada iyo talooyinkooda muhiimka ah ee la xariiro xeerarka dhamaystirka ah ee sharciga Doorashooyinka Qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here