XFS oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Abha ee Sucuudi Carabiya.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan ku weeraray garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Xukumadda Soomaaliya sidoo kale  waxa ay rumaysantahay in weerarkaasi argagaxiso aanu marnaba nabad u keenayn gobolka balse uu carqaladaynayo howsha nabadda ee Yemen, sidoo kalena uu qalqalgelinayo amniga iyo deganaanshaha.

Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in Boqortooyada ay ku garabtaagantahay dagaalkeeda ka dhanka ah argagaxisada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here