Xildhibaan Cabdi Barre oo jaaliyada Columbus soo dhaweeyeen-Sawirro

0
1204

Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka ayaa si diiran u soo dhaweeyay Xildhibaan Cabdi Barre Yusuuf Jibril oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka oo maalmahan ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa socdaalkiisa Columbus waxa u ku sheegay sidii ay dadka Soomaaliyeed ugu dhiirigalin lahayeen in ay ka qeyb qataan isbadalka dalka iyo in ay aqoontooda ku soo biiriyaan hanaanka horumarineed ee dalku hiigsanayo.

Mudadii ay xafladu socotay waxaa ka hadlay dad aad u badan oo siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada dalka, iyo rajada laga qabo hiigsiga 2016.

Gudoomiyaha Somali American leadership  Cali Jaamac  oo ka hadlay xaflada ayaa si weyn ugu hambalyeeyay xildhibaan Cabdi Barre iyo xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed howsha adag ee ay umuda u hayaan isla markana ku booriyay in ay sii laba jibaaraan si loo gaaro halka loo socdo oo ah Soomaaliya oo is badasha.

Xasan Cali Cumar Gudoomiyaha jaaliyada Columbus oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay soo dhaweynta xildhibaanka ayaa waxa uu dhankiisa xusay sida loogu bahanyahay in dalka Soomaaliya laga ilaaliyo in uu kala qoqomo ama kala xir xirmo taas badalkeedana la raadiyo qaabkii dadku iskugu dumi lahayeen, waxa uuna dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii ka dhacday Dekada Barbara kadib markii dad Soomaaliyeed oo qaxooti ah la diiday in ay ka soo dagaan markabkii ay saarnayeen.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay dalkan Maraykanka C/kariim Cali Cumar ayaa dowlada Soomaaliya ka codsaday gaar ahaan baarlamanka, in shacabka Soomaaliyeed la weydiiyo rabitaankooda ku aadan  cida ay dooran karaan marka la gaaro 2016 si loo helo bulsho u bisil rabitaankooda siyaasadeed.

Xaamud Ismaaciil xirsi oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool Ohio ayaa waxa uu ugu baaqay golaha sharci dajinta Soomaaliya in ay noqdaan kuwo lagu daydo isla markaana ilaaliya sharciga dalka u yaal  iyo sidii loo dhisi lahaa ciidanka qaranka Soomaaliyeed si loo helo dawlad leh awood ay dalka iyo dadka ku ilaaliso.

Cabdiqani Sheekh Cali Diini oo kamid ahaa aqoonyahankii dalka dib ugu laabtay kana soo shaqeeyay ayaa qurba joogta ugu baaqay in ay kaalintooda kaga aadan samatabixinta dalka iyo dadka ay u istaagaan, waxana uu xusay in Somaliya ay u bahantahay dad aqoon leh oo wax badala.

Ugu dambayn waxaa kulankan ka hadlay Xildhibaan Cabdi Barre Yusuuf Jibriil oo dadkii ka soo qeybgalay uga mahad celiyay sida ay ugu soo dhaweeyeen Ohio,waxa uuna xildhiabaanku si xoogan qurba joogta ugu sheegay in Qaranka Soomaaliyeed uu dadkiisa waxgalkaa u baahanyahay isaga oo tusaale u soo qaatay in laf ahaantiisa uu ka mid ahaa qurba joogta.

Waxa uu Xildhibaanku  si weyn u guubaabiyay dadka ku nool wadamada horumaray in ay dhaqaalo iyo caqliba ku celiyaan dalka, iyo in ay ku xisaabtamaan in Soomaaliya ay tahay dalkoodii aan cidina u badali doonin, hadii aysan iyagu badalin.

Rajo wanaag ayuu ka muujiyay in dalku uu ku socdo wadiiqo wanaagsan qaladaadka yar ee jirana la sixi karo hadii dadku ay isku tashadaan isla markaana kalsooni dhab ah ay ka dhex dhalato bulshada Soomaaliyeed.

IMG_4774  IMG_4792  IMG_4799   IMG_4809 IMG_4817 IMG_4824 IMG_4837 IMG_4864 IMG_4869 IMG_4878 IMG_4884 IMG_4893 IMG_4894 IMG_4907   IMG_4954 IMG_4959 IMG_4962  IMG_4968  IMG_4987 IMG_4990 IMG_4993 IMG_4995 IMG_4998 IMG_4999  IMG_5008 IMG_5012 IMG_5054 IMG_5058 IMG_5085 IMG_9734 IMG_9747 IMG_9752 IMG_9757 IMG_9760  IMG_9789

W/D: Deeqa sonna

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here