Xildhibaan Faahfaahiyay Qasaaraha Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Deegaanka owdiinle SAWIRO

1
4325

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanka Ow-diinle oo hoos yimaada degmada Baydhaba ee gobalka Baay oo ay wehliyaan Wasiirka Hubkadhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka ee Koofur-galbeed Xasan Xuseen, Iyo Malaaq Malaboow oo ah Ugaaska Deegaanka, ayaa maanta booqasho ku tagay deegaankaasi oo shalay dagaal Sodon daqiiqo socday uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Maleeshiyaadka kooxda alshabaab.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow Ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in ay dhinteen 14 Qof oo isugu jira Odayaal Dhaqameed iyo dad shacab ah, kuwaas oo maanta lagu aasay isla deegaanka. Mudane Ibraahim Yaroow ayaa sheegay dhacadadaan ay timid kadib markii dagaal uu dhexmaray ciidamada dowladda, AMISOM iyo maleeshiyaad katirsan Kooxda Al-shabaab oo dadka shacabka dhexdooda rasaas ka billaabay, taasina ay dhalisay in dadka rayadka ah ee deegaanka ku sugnaa uu qasaare xooggan ka soo gaaray iska horimaadka.

“in aan dadka deegaanka iyo AMISOM soo xog wareysano ayaan saakay u baxnay, Meesha Waxaa ka dhacay xaafad ay kulan Duco ah ku lahaayeen dadka deegaanka ayaa Ciidamada looga soo sheegay in ay joogaan koox ka tirsan Al-shabaab, markii ay ciidamada tageen ayay kasoo waayeen waxii loo sheegay, dadka ayaa ka baqay in ay sheegaan maleeshiyaadka ku dhex dhuumanayay deegaanka, mid kamid ah maleeshiyaadka al-shabaab ayaa billaabay Xabad, wuxuuna dilay mid kamid ah ciidamadii AMISOM ee goobta ku sugnaa, halkaas ayaa dagaal ka billaawday waxa ay sababtay dhimashada 14 ruux oo ay kamid yihiin Odayaal dhaqameed ku sugnaa goobta” ayuu yiri Ibraahin Yarow.

Xildhibaan Ibraahim Yaroow ayaa intaa ku daray in ay la kulmeen Saraakiisha AMISOM, ay arrintaan wax uga weydiiyaan ayna caddeeyaan sidii ay wax u dheceen.

“Ciidamada Amisom Waxay qirteen in ay meesha tageen waxay nagu dheheen warbixin ayaan helnay, markaan meesha tagnay ayay naga dhuunteen, waan nalaga qariyay, markaan soo laabanay ayay xabad nagu billaabeen qasaare ayaa nasoo gaaray, waxaan maqalnay in dad rayad ah oo aan aheyn kuwii nala dagaalamayay ay goobta ku dhinteen, waa la baarayaa wixii aan kala hadlanayna waxa ay noo caddeeyeen in ay diyaar u yihiin”Ayuu Yiri Mudane Yaroow.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay in arrintaan Guddi xaqiiqo raadin ah loo saaray, lana caddeyn doono waxyeellada dadka shacabka ee aan waxba-galabsan ka soo gaartay dagaalkaasi.

4IMG_2770IMG_2769IMG_2768IMG_27641098765

Sawir Qaade: Siraaji Sh Isxaaq.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. ciidamada itoobiyo waxey ahaayeen kuwii ugu dambeeyay afriko ee yimid wadankeena,waxaana wadanka joogay hortood ciidamo badan oo afriko ah laakiin markii ciidanka itoobiyo yimaadeen shacabkeenu aad ayoow uga qeyliyay,qayladaasu kuma imaan laablakac laakiin shacabkeenu waxey aqoon u lahaayeen itoobiyo iyo waxey tahay iyo
    naceybka ay u qabaan ummadda soomaaliyeed,laakiin arrinkeenu waxoow noqday sidaad rabto hadaad weydo sidaadka badiweysaa layeelaa, oo ah marhadii cadawgi nabad diidki dagaal nagula jiro dowladeenina leedahay itoobiyo waxeeyka mid tahay afriko oo u timid ineey na garab qabtaan,taas ayaa ka dhigtay ineey shacabkeeni lama huraan ku noqotay in ciidan itoobiyo leedahay wadankeena dhax jibaaxaan.
    soomaali hadaan nahay waxaanku maahmaahnaa hadaad dhimaneysaba dhareerka waalayska leexiyaa, marka dagaalkasto oo aanku jirno iyo duruufkasto oo aan qabno marna maysan aheyn in aan itoobiyo maciinka dhigano,waayoo cadaw cadawkaama celiyo,oo waxaan anigu qabaa in itoobiyo ka cadawsantahay nabad diidka waayo???????
    nabad diidku waa koox cadawku ah shacabkeena iyo wadankeena laakiin ma ahan cadaw soo jireen ah oo taariikh boqolsano dhaafeyso
    naga heysto dhul dhan oo wadankeena ka mid ah,
    itoobiyase waa cadaw ay nagala dhaxeyso cadaawo soo jireen ah oo
    aaney cidina shacabka soomaaliyeedka dhaadhicin karin itoobiyo ayaa saaxiib lala noqday.

    waxaan qabaa hadow hadlaayo ilmaha uurka hooyada soomaaliyeedku jiraahi inoow dhihi lahaa cadawga soomaaliyeed waa ITOOBIYO.

    dowlada soomaaliyeed waxaa waajibku ah ineey si dhaqso ah baaritaan ugu sameyso dhacdadaan foosha xun ee lagu laayay shacabkeena.waana in ummadeena la tuso in aaneey itoobiyo qaanuunka ka weyneyn.

    tan ugu weyn ee itoobiyo dhibkeeda looga badbaadikaro waa in la dhiso ciidankeena xoogga dalka iyadoo laga illaalinaayo qabyaalad iyo qabiil.
    waa in noola dhiso ciidan wadani ah oo gobolkastoo soomaali ah laga keeno oo hal meel laskula tababaro loona yeelo dhaqaale u gaar ah ayna tababaraan saraakiil daacad ah oo qibro leh ayna tababarkooda ka qayb qaataan culumada soomaaliyeed si ay ugu barbaariyaan in ciidanku yahay karaamada wadanka iyo in wadanka la difaaco ineey tahay jihaad fiisabiili laah ah.

    illaahey waxaanka baryeynaa inoow u naxariisto shacabkeena la xasuuqay waxaankaloo illaaheyka baryayaa inoow nagu garabgalo si aan u yeelano ciidamo daacad ah oo wadankeena karaamadiisi soo celiyo.
    waxaan kaloo illaaheyka baryayaa inoow nasiiyo nabad kaamil ah oon uga xorowno nabad diid iyo ciidamo shisheeye,iyo in aanan arag askari itoobiyaan ah oo wadankeena lug soo dhigo..

    waxaan tacliiqeygaan ku soo afjarayaa.

    COLNIMAAD TIHIIN MIYAA LOO CAWDAA???????????

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here