Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo $5,000 ugu deeqay dhismaha wada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo

1889

Xildhibaan C/llahi Jaamac  oo ay wehliyaan xubno ka tirsan gudiga dhismaha wadada ayaa maanta kormeeray dhismaha wadada oo ka bilaabata dhinaca koofureed ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhawr KM loo dhisay dhinaca magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhismaha wadada uu ugu tabarucayo 5-kun oo Doller si uu u dhiirigeliyo hadafka dheer ee la higsanayo oo ah in la dhamaystiro wadadan oo qiyaastii gaaraysa 270-km.

“Ilaahey mahadii waxaa ah inaan maanta indhahayga ku arko wadadii isku xiraysay Gaalkacyo iyo Hibyo oo 2km oo ka mid ah lagu dhisay iskaa wax qabso, 260 baa hartay, waxa ay u baahantahay dadaal iyo wadaninimo, wadadaas iyadoo ajnabi wax nasiin ayaan dhisan karnaa, aniga dhinacayga $5,000 oo Doller ayaan ku tabarucayaa”. ayuu yiri xildhibaan.

Xaliimo  Jaamac Cilmi oo ah xubin ka tirsan gudiga dhismaha wadadan ayaa sheegtay inay ku faraxsanyihiin kaalinta uu Xildhibaan C/llahi Jaamac ka qaatay hawshan, ayna u baahanyiin in si mugleh ay bulshada gobolada dhexe kaga qayb qaataan dhismaha wadadan.

“Farxad ayay noo tahay haddii Xildhibaanadii Federaalka ay maanta howshii ay qabteen gudigu soo kormeeraan, indhohoodana ku arkaan, dhismahaan kuma imaan ciyaar, magaalada Gaalkacyo waxaa laga sameeyay abaabul farabadan, hadey tahay xaafadaha, intaas hadda waa lacagtii laga aruuriyay xaafadaha, taas waxa ay nagi dhiiri galisay inaan niraahno wado 260-km waa dhisan karnaa” ayay tiri Xaliimo.

Sidoo kale Xildhibaanka iyo xubnaha kale ee la socday ayaa kormeeray Isbitalka koofurta Gaalkacyo, isagoo kormeeray qaybaha Isbitalkaas uu ka koobanyahay iyo baahiyada ka jira ee dayactirka u baahan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here