Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Cod u qaadayo Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta oo ah Axad Taariikhduna tahay 30/12/2018, kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka.

Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka.

Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here