Xildhibaannada cusub ee Hirshabeelle oo la dhaarinayo

Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu waddaa in maanta ay ka dhacdo munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaas.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad.

Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa Jowhar ka dhici doonta maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here