Xubin ka tirsan aqalka aqare ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay dedaalka Sacuudiga ee ku wajahan Midnimada Umadda Carabta.

Senator, Ayuub Ismacil Yuusuf oo ka tirsan Aqalka sare ee Somaliya ayaa bogaadiyay dowrka boqortooyada Sacuudiga ee ku wajahan u adeegidda iyo midnimada Umadda Carabta, si loo sugo amniga iyo degenaashaha Waddamada Carbeed.

Wuxuu kaloo soo dhaweeyay Sanatarku ugana hambalyeeyay Boqortooyada Sacuudiga doorashada Magaalada Riyad loo doortay inay noqoto Xarunta Warbaahinta Carabta,talaabadaasi oo ka dambeysay go’aan ay ku gaareen Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carbeed Bishii May ee Saanadkan xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira.

Wuxuu kaloo  Senator, Ayuub Ismacil Yuusuf oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya si gaar ah uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan wasaaradda Warfaafinta Dalkaasi mudnaanta ay siinayso horumarinta warbaahinta Carbeed, si kor loogu qaadi lahaa sharafta iyo karaamada Carbeed iyo dhowrista ama sugidda Madaxbannaanideeda.

Wuxuu kaloo daboolka ka qaaday isla maarkaana soo dhoweeeyay mowqifka Sacuudiga  ee ku wajahan masaalixda Ummadda Carabta, taas oo ay horseed u ahayd wasaaradda Warfaafinta Sacuudiga iyo Ururrada ee bulshada rayida ee Dalkaasi oo ay ku yaallaan Labada Xaram ee shariifka ah.

Wuxuu kaloo canbaareeyay ololaha ka dhanka ah Sacuudiga, taas oo uu sheegay inay u horseedayso kala qoqobka Ummadda Carabta iyo amnigeeda guud ,wuxuuna intaa raaciyay Senator, Ayuub Ismacil Yuusuf inay Boqortooyada Sacuudiga dowrka shariif ah kaga jirto hoggaaminta caalamaka siiba danaha Carabta.

W/ Tarjumay; Mukhtaar  Soofe

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here