Xubno ka tirsan argagaxisada Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday nawaaxiga Jamaame

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo kaashaneysa taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa labo weerar oo dhanka cirka ah ku qaaday xubno ka tirsan kooxda argagaxisada shabaab oo ku sugnaa nawaaxiga Dab-shiniile iyo Jamaame.

Duqeynta oo dhacday 19 Janaayo ayaa waxaa lagu dilay sadax xubnood oo argagaxisada ka tirsanaa.

Xubnaha weerarka lagu dilay ayaa ahaa saraakiil argagaxisada u qaabilsanaa fududeynta miinooyinka macmalka ah iyo qorista maleeshiyaadka.

Ma jiro wax khasaare ah oo gaaray dadka rayidka ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaada tallaabooyin looga hortagayo waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here