Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha

1
1830

Wasiirka Warfaafinta, hidaha iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladdu ay ka xuntahay qasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa bakaaraha, gaar ahaan goobta shidaalka lagu iibiyo.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tilmaamay in ganacsato Soomaaliyeed ay qasaaro ka soo gaartay dabka, kuwaasi oo qaarkood ku ganacsanaya goobta uu dabka ka kacay, waxaana uu intaa ku daray in xukuumadda ay waddo qorshe looga hortagayo soo noq noqoshada dabka.

Wasiirka Warfaafina ayaa xusay in dabka nucaani oo kale ah uu marar badan ku soo noq noqday suuqyada magaalada Muqdisho, isagoo kula dar daarmay ganacsatada in ay mas’uuliyad iska saaraan goobaha ay ka sameysanayaan meheradaha ganacsi.

“Dowladda waxa ay ku tala jirtaa in goobaha ganacsi la isu raacin doono sida ay isu raaci karaan oo lakal saaro goobaha shidaalka lagu iibiyo iyo maqaayadaha, si looga hortago dabka ku soo noq noqday suuqyada magaalada, dowladduna waxaa u qorsheysan inay sameyso qorshe arrimahaasi wax looga qabanayo” ayuu Wasiirku hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waa illaaheey mahadiis mar hadii la damiyay dabkii maanta suuqa ka dhacay illaahayna dadkii ku xoolo beelay meel ka qayr badan haka irsaaaqo,
    waxaa haboonaan laheed in suuqyada waaweyn sida bakaaraha loo yeelo dab damis u gaar ah amaba goob deb damis laga ag sameeyo si si dhaqso ah wax looga qabto markii dab dhaco,
    dowlada qorshaha ay sheegtay aad ayoow u fiicanyahay waxaana illaahay ka baryaynaa inoow hirgalintiisa ku garab galo inshaa allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here