Xulka Guinea Oo Ku Guuleystay Qori Tuurkii Maanta La Sameeyay iyo Xulka Mali oo Haray

781

Xulka Guinea ayaa u soo baxay wareega labaad ee Koobka Qaramada Afrika,ka dib markii ay qori tuur kaga guuleysteen xulka Mali oo ka haray koobka qaramada afrika.

Labada kooxood ayaa wax walba isaga mid ka noqday Group D,ka dib markii ay dhamaan seddexdooda kulan ku dhameysteen barbaro 1-1 ah.

Xiriirka kubadda cagta qaarada afrika ee CAF ayaa maanta labada xul qori tuur ugu qabtay hotel ku yaalo magaalada Malabo si loogu kala saaro looga ogaado xulkii u soo bixi lahaa wareega sideed dhamaadka ee koobka qaramada afrika,waxaana qori tuurka uu nasiibka ku saaciday xulka Guinea oo iska xaadiriyay wareega labaad ee koobka qaramada afrika.

Xulka Guinea ayaa maalinta axada ee soo socota waxa uu kulanka wareega 8-da la ciyaari doonaa xulka Ghana.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here