Xuska 1da May oo ku soo beegmay dib-u habaynta Shaqaalaha dowladda

651

 1da May sanad walba waxaa Caalamka laga xusaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha adduunka oo ah lafdhabarka wax soo saarka iyo horumarinta koboca dhaqaalaha,  inkastoo xilliyadii kala duwanaa ee uu jirey bini’aadamka gaar ahaan  bilowgii hababkii dhulgoosiga iyo is adoonsiga ee caalamka ay jireen xadgudubyo ku dhacayey dadka xoogsatada ah ama shaqaalaha haddana  waxaa   la tilmaami karaa waqtigii uu dhashay kacaankii warshadaha oo ku beegnaa sanadkii 1770-kii,kaas oo  dalal badan ay  horumar ka gaareen dhinaca  warshadaha,iyo beeraha.

Dabayaaqadii qarnigii 18-aad waxaa bilowday dhaqdhaqaaqyo iyo kacdoonno lagu raadinayay in xoogsato ka howlgala warshadaha,beeraha,macdan qodista iyo kuwa kale    arintaasina waxa ay abuurtay  in uu isbadal ku yimaado dhinacyada ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada ee inta badan dalalka caalamka.

Xoogsatada ama  shaqaalaha oo ahaa dad muruqmaal ah oo dantu bidday in ay  ku shaqeeyaan duruufo adag oo u saamaxay in ay  dulqaad u yeeshaan dhibaatooyinkii kaga imaanayey milkiliyaasha ama loo shaqeeyaha,haddana waxay  gacan  ka geysteen xagga  wax soosaarka iyo sameynta nuucyada kala duwan ee gaadiidka dadweynaha,sameynta biraha xadiidka, tareenada,maraakiibta,gawaarida,diyaaradaha iyo warshadaha dharka.

Dhanka kale haddii aan wax ka tilmaanno taariikhda Shaqaale waynaha soomaaliyeed waa mid fac wayn, waxaana la aasaasay ururkii ugu horeeyay ee shaqaale Soomaaliyeed bishii Maajo 1949kii xiligii gumeysiga, dhab ahaantiina wuxuu door weyn ka soo qaatay ilaalinta xaquuqada shaqaalaha soomnaaliyeed in kastoo xiligaasi dalka uu gacanta ugu jiray gumeysi. Muddo ka dib dhaqadhaaqa shaqaalaha ee loo yaqiinay Trade Union movement (Movimento Sindicale) wuxuu si buxada ugu xuubsiibtay ururka shaqaalaha soomaaliyeed

Haddii aan si kooban u xuso Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed “Sindacato di Lavoratori Somalo” taariikhu markii ay ahayd  bishii July 1955  wuxuu qaban qaabiyey doorashooyin madaxbanaan oo lagu dooranaayey hoggaankii hoggaamin lahaa ururka shaqaalaha soomaaliyeed.

Shirkii ugu horeeyey ee uu yeesho ururka shaqaalaha soomaaliyeed waxay go’aansadeen in shaqalaaha soomaaliyeed loo sameeyo  sharci damaanad qaada xuquuda shaqaalaha , kaasi oo baahi weyn loo qabay in la helo, sababtoo ah shaqaalaha soomaaliyeed xilligii gumaysiaga aad ayay u dulmanaayeen ma na jiran cid u dammaanad qaada xuquudooda, sidaa darteed waxaa ururkii Shaqaalaha uu soo saaray Sharci xaqiijinaya daryeelka shaqaalaha, taasina waxay ahayd  guul u soo hoyatay shaqaalaha soomaaliyeed.

Bishii November 1955kii ururka shaqaalaha soomaaliyeed wuxuu  ka qayb galay shirwayne caalamiga ah oo uu soo qaban qaabiyay ururka caalamiga ee isbahaysiga ganacsiga xorta ah  I.C.F.T.U. halkaasi na ay ururka shaqaalaha soomaaliyeed xubin buuxda ah uga noqotay Ururka I. C. F. T. U. {International Confadaration of Free Trade Union}, wuxuuna ururka  shaqaalaha soomaliyeed soo bandhigay qorshayaashiisa la xiriira horumarinta daryeelka shaqaalaha Soomaaliyeed. Uuurka caalamiga ee isbahaysiga ganacsiga xorta  ah   I.C.F.T.U. wuxuu kaalin weyn oo la taaban karo ka qaatay dhismaha iyo xoojinta shaqaalaha soomaaliyeed isaga oo mar walba  la garab taagnaa taageerada xagga tababarka iyo dhiiragelinta  shaqaalaha.

10 Janaayo 1956ii ururka shaqaalaha soomaaliyeed wuxuu ka qaybgalay shirkii ugu horreeyey oo lagu dhisaayey urur weynaha shaqalaha Afrikaanka “ All Africain Labour Organazations”, shirkaa soo ay si heer sare ah u soo qaban qaabiyay ururka caalamiga ee isbahaysiga ganacsiga xorta ah I.C.F.T.U. “International Confederation of Trade Union” waxana lagu qabtay magaaladda Acra ee dalka Ghana. Kulankaas wuxuu ahaa kii ugu horreeyey oo ay yeeshaan ururka shaqaalaha  Afrika “All African Labour Organazations”, the first Pan-African conference waxaana shirkaasi furay Madaxweynaha Ghana.

KUWAMA NKRUMA xilligaa ahaa madaxwaynihii Ghana oo shirkaasi furay wuxuu ururadda shaqaalah Afrika ku guubaabiyay in ay midoowaan oo ay gacmaha is qabsadaan, midnimadaasi ayaa door weyn  ka qaadan karta horumarinta shaqaalaha Afrika , hal ku dhigga KUWAMA NKRUMA wuxuu ahaa  “Midnimada waa xoog aan la jibin Karin kala tagida na waa burbur”. Shirkaasi waxaa la soo gabagabeeyey 13 Janaayo 1956 waxaana go’aanaddii shirkaasi ka soo baxay ka mid ahaa:-

-In la dhaqan-geliyo sharciyada ku saabsan hashiisyadda ay wada galaan Shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.

– In la xoojiyo midnimadda ururadda Shaqaalaha  Afrika.

Ururka Shaqaalaha Guud ee Soomaaliya bishii November 1958dii wuxuu ku guuleystay in uu hirgeliyo shircigii shaqaalaha “The Laubor Code Somalia”, isla bishaasi shaqaalaha beeralayda soomaaliyeed waxay fursad u heleen in ay heshiis la galaan loo shaqeeyaha iyaddoo la raacayo sharcigii shaqaalaha, maxaa yeelay shaqaalaha  ka shaqeyn jiray beeraha waxaa la siin jiray maalintii wixii ay shaqeyntaan, haddii ay jiraddan ama maalintaasi aysan shaqada soo gelin wax lacag ah ma qaadan jiran, hase yeeshee markii uu dhaqan galay heshiiskii ururka shaqaalaha guud ee soomaaliyeed la galay loo shaqeeyaha, waxaa la isku waafaqay in shaqalaha beeralayda soomaaliyeed in la siiyo mushahar go’an isla markaasi na waxaa loo ballan qaaday in haddii shaqaalaha ay ku timaado jiro ama dhibaatooyin kale in la siiyo mushaharkiisa oo kaamil ah sida uu ku cad shirciga Codice del Lavoro Somalo  kaasoo damaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed.

Ururka shaqaalaha soomaaliyeed wuxuu door weyn ka soo qaatay kuna guuleystay ilaalinta xaquuqda shaqaalaha soomaaliyeed iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha.

Taliskii Millatariga markii uu talada dalka la wareegay 1969kii wuxuu magacii ururka shaqaalaha soomaaliyeed  u bedelay Xiriirka Guud Shaqaalaha Soomaaliyeed, Hogaamiyaashii kacaanka si wax tar leh ayey u kobciyeen awoodda shaqaalaha soomaaliyeed, taasi oo horseed u noqdotay  in wax soo saarkii dalka uu kor u kaco, muddo kooban gudaheedna uu dalku ku tallaabsado horumar Muuqda.

Xiriirka Guud ee ururka shaqaalaha soomaaliyed wuxuu lahaa Guddoomiye, Gole dhexe, Gole fulin, iyo qayb u qaabilsan Farshaxanka iyo bog ay ku lahaayeen wargeyskii Xiddigta Oktoober kaasi la oran jiray shaqaalaha Adduunkow midooba wuxuuna soo bixi jiray maalinta talaadada ah, waxaana  lagu gudbin jiray  fariimaha loogu talagalay dhamaan shaqaale waynaha soomaaliyeed.

1991kii markii ay dhacday  dowladdii dhexe ee dalka waxaa meesha ka  baxay Maamuuskii loo samayn jiray Munaasabadihii heer Caalami iyo heer qaran ee dalka lagu qaban jiray, balse nasiib wanaag markii la dhisyay dowladdii  ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya ee lagu soo unkay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, waxaa dalka dib u ga bilawday in boorka laga jafo maamuuska iyo sharfidda maalamaha ku xusan diiwaanka dunida iyo kuwa heerka Wadaniga ah.

Dabbaaldegga Xuska Munaasabadda shaqaalaha dunida  1da may ee sanadkaan 2018 ee dalkeenna Soomaaliya waxay ku soo beegantay xilli  xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay waddo Barnaamij ballaaran oo lagu xaqiijinayo Tirada dhabta ah ee Shaqaalaha rayidka ah iyo taydooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md: Xasan Cali Khayre ayaa yiri “ In la helo tirakoobka saxda ah ee shaqaalaha dowladda waxay inoo suurta galinaysaa xaqiijinta tirada iyo tayada shaqaale aan haysanno inta ay la egtahay,iyo in aan Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda aan u diyaarinno sidii ay ula falgali lahaayeen shaqaalaha aduunyadda  si aan u noqonno dawladd ka dhabaysay isla xisaabtanka”
“Mushaarka ay bixiso dawladda Soomaaliya waxaa laga soo qaadaa shacabka Soomaaliyeed oo ugu tala galay in ay ku caawiyaan dawladoodda. Marka waa in loogu qabtaa adeegyada ay rabaan, qof walbana uu mas’uuliyad iska saaraa shaqadiisa, si aan loo dayacin xaquuqada shacabka Soomaaliyeed”. sidaasi waxaa yiri Ra’iisal wasaare Khayre.

W/D:- Abuukar Gobdoon

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here