Xuska 26ka June oo ka socoto Muqdisho

Xuska 61 guurada ka soo wareegtay markii Gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska ayaa caawa ka socoto Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda kale ee ka tirsan dowladda Soomaaliya, diblomaasiyiin iyo marti sharaf ayaa ka qeyb galay xuska 26 ka June oo ka socoto xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Ciidamada Ammaanka ayaa caawa adkeeyay Nabadgelyada caasimadda, si loo weyneeyo Xuska 26ka June oo ah Maalin qiimo gaar ah ugu fadhiso guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here