Xuska Maalinta Shaqaalaha Dunida ee 1-da May  (Faallo)

Sanadkii1889-kii waa markii ugu horeysay ee dalal ka mid ah caalamka ay aqoonsadaan dhaqdhaqaaqyadii ururada xoogsatada, isla markaana la meelmariyay sharci ah in shaqaalaha ay xaq u leeyihiin sideed saacadood oo shaqo ah, sideed saac oo nasasho ah iyo sideed saacadood oo madadaallo ah.

Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka sida weyn xil isaga saaray xuska 1-da May oo ah maalin loo asteeyay munaasabadda caalamiga ah ee ururadashaqaalaha kadib markii sanadkii 1919-kii xubnihii ku jiray Jimciyadda Qarumaha ka dhaxeysa ay isku raaceen dhismaha urur ay ku bohoobeen shaqaalaha oo loogu magac daray Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Dunida ILO.

1-da May waa maalin qaran oo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdaban  ay u dabbaaldegaan xuska maalinta shaqaalaha oo xambaarsan farriimo xasuus ah oo ka tarjumaya ogaanshaha qaabkii ay ku dhismeen ururadaasi ,tacaddiyadii ku dhacay Shaqaalha iyo halgankii ay u soo galeen ka miro dhalinta xoriyadda dhanka shaqada ee ay manta heystaan.

Marxaladihii Shaqaalaha Soomaaliya

In xoogsatada Soomaaliya ay ka mid noqdaan ururada shaqaalaha dunida.waxay aheyd tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xagga horumarka,sidaa daraadeed,Xubno matalaya shaqaalaha oo gacan ka helay Ururkii SYL ee gobanimo raadinta ,ayaa bishii Maajo 1949kii,bilaabay isku day la doonaayey in lagu dhiso Ururka Shaqaalaha Soomaaliya, (Sindacato di Lavoratori Somalo,xilligaasi oo gobolada Koonfureed iyo kuwa Woqooyi ay maamulkeeda haayeen xukuumadda Ingiriiska  oo ka guuleystay kii Talyaaniga.

Sanadkii 1955-tii,waxaa Ururka Shaqaalaha uu u dareeray doorashadii ugu horeysay ee uu ku soo baxay Ahmed Guure Ma’muun oo noqday guddoomiye, halka jagada xoghayaha guud uu isna helay Cabdulqadir Cali Boolaay, waxaana halkaasi lagu soo afjaray muddo lix sano ah oo magac ahaan uu u  jiray ururkaasi.

15-lii June 1957dii, Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed wuxuu dhambaal martiqaad ah ka helay Ururka Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organization, ILO),  ,isagoo kalsooni ka heystay xukuumadda Talyaaniga oo mar kale sanadkii 1950-kii ku soo laabtay dalka,kadib kolkii Qaraada Midoobay ay ogolaatay in Soomaaliya uu mamulo 10-sano oo xornimo gaarsin ah.

Sanadkii 1960-kii ,Ururka shaqaalaha Soomaalya,waxa uu si rasmi ah ugu biiray Ururka  cCalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organazation I.L.O),inkastoo horay uu u jiray xiriirro wanaagsan oo uu la lahaa dhaq-dhaqaaqii  shaqaalaha ee loo yaqiinnay Trade Union movement (Movimento Sindicale),oo ka jiray dalka Talyaaniga,Ururka Caalamiga ee is-bahaysiga Ganacsiga xorta ah  I.C.F.T,kii Urur weynaha Shaqaalaha Afrika (All Africain Labour Organazations), iyo Urur Goboleedka  Shaqaalaha Afrika.

Howlihii ugu muhiimsaneyd ee xilligaasi uu qabtay Ururka,waxaa ka mid ahaa sameynta sharci damaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha,,isla markaana xal u hela dhibaatooyinki lagu qabay milkilayaashii warshadaha iyo beeraha,waxaana qodobadii sharxigaasi ka mid ahaa dhowrista saacadaha shaqada, wax ka qabashada xaaladaha iyo duruufaha xoogsatada, daryeelka dadka da’da ah ee shaqeeya iyo joojinta shaqooyinka adag ee ay qabtaan caruurta.

Mudadaasi bilowga ah ee u dhaxeysay 1955-1960-kii  waxaa Ururka uu diiwaangaliyay oo xubno buuxa ka noqday shaqaalo gaaraya ama ku dhow toban kun oo ruux oo isuu jiray shaqaale dowlad iyo,xoogsatada ka howlgala beeraha iyo warshadaha.

Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha

 In dhismaha Heyadaha dowladda loo adeegsado qaab hantiwadaag ah waa nidaamkii ugu horeeyay ee ay la timid dowladdii kacaanka ee talada dalka la wareegtay 1969-kii ,waxaana magacii ururka shaqaalaha Soomaaliya lagu badalay Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaga,kaas oo ,door weyn oo la taaban karo  ka soo qaatay baraarujinta bulshadda iyo kobcinta xagga aqoonta Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Burburkii dowladnimo ee Soomaliya oo dhacay 1991-dii, kadib , Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha ,waxa ay ka mid noqdeen hey’adha u nugul colaadaha ee sida fudud ugu baaba’ay dagaaladii sokeeye,iyadoo ay meesha ka baxaeen adeegyo mhiim ah oo la xiriiray in ay la xisaabtamaan Ururada Caalamiga ah iyo NGO-yada maxalliga ah ee galay booskii ay laheyd dowladdii burburtay.

Gudigga shaqaalaha rayidka

 Mar kale,waxaa dalka ka hanaqaaday guddi shaqaale oo joogu magac daray Gudddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka,kaas oo baddalay magacii Xiriirkii Guud ee Ururada Shaqaalaha, wuxuuna xilliyadii ka dambeeyay burburka uu si toos ah u qaatay doorkii wax ku oolka ahaa ee la xiriiray  habsami u socodsiinta howlaha dowladnimo,gaar ahaan ka warqabidda xaaladaha shaqaalaha iyo qabashada xafladaha taariikhiga ah  ee lagu maamuuso maalinta shaqaalaha ee 1-da May .

 Marka loo eego guulaha ku aadan helitaanka maalin qaran oo fasax ah,daryeel bini’aadanimo iyo saacado kooban  oo la shaqeeyo , waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhisan dalka.

Waxaa haboon in xubnaha maamulka Ururka Shaqaalaha ay noqdaan kuwo madax bannaan oo matalaad ku leh  dhammaan qeybaha shaqaalaha dowladda,isla markaana wax la qeybsan kara Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Dunida ILO.

Sidoo kale maamulka Ururka Shaqaalaha waa in uu noqdaa mid wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda, iyo kuwa u shaqeeya shirkadaha ama hey’adaha gaarka ah .

Maanta waxaa muuqda in Shaqaalaha Soomaaliya  ay kaalin firfircoon ku yeelan karaan arrimaha horumarinta shaqada , shaqalaaha iyo guud ahaan kobcinta dhaqaalaha,waa haddi la helo dowlad daacad ah oo dooneysa in la ifiyo ama la siraado mustaqbalka umadda.

Haddaba,Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kafaa’ideysanaya munaasabadda maalinta Shaqaalaha Adduunka ayaa dhambaal hambalyo u diray shaqaale weynaha dunida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ka warbixiyay howsha adag ee qiimaha badan ee ay qaranka ay u hayaan,wuxuuna shaqaalaha iyo qoysaskooda u urajeeyay caafimaad qab iyo horumar.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here