Xuska Maalinta Xornimada Jabuuti oo Baladweyne laga xusay

0
1339

Ciidammada Hiil-walaal ee Jabuuti ayaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka xusay munaasabadda sanad-guurada 38-aad ee  Jamhuuriyadda Jabuuti 27-June oo ah markii ay Gumeystihii Faransiiska ka xoroobeen.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka uga soo warrama Gobolka Hiiraan Cabdishakuur Cismaan Cali ayaa soo sheegaya in munaasabadda xuska 27’ka june oo ah maalintii xornimada ay qaateen Walaalaha Jabuuti ay ka dhacday Gobolka hiiraan isla markaana ay ka qayb qaateen farxadda maalintaan Ciidammada Hiilwalaal ee walaalaha Jabuuti iyo kuwa Dowladda federaalka  Soomaaliya.

Munaasabadda Xuska maalinta Xoriyadda walaalaha jabuuti ayaa  lagu qabtay Deegaanka Ceel jaalle  oo ah saldhigga ay daganyihiin ciidammada Hiilwalal ee Jabuuti, intii ay munaasabadda socotay ayaa lagu soo bandhigay qudbado ka hadlayay sidii jabuuti ay xornimada uga qaadatay Gumaystaha faransiiska iyo taariikhdii laga soo maray in xornimo la qaato.

Maanta oo kale 27’kii june  1977  ayey hayad markii Walalaha jabuuti ay ka xoroobeen Gumaysthii faransiiska oo waqtigaas Jabuuti Gumaysanayay

Dhinac kale Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Mamulka Gobolka Hiiraan Guddoonsiiyay  Agab ay ku qotaan Beeralayda Beeraha kuwaas oo isugu jira Matoorro, Makiinado iyo Gawaari oo Beeralayda Gobolka ka caawinaya inay Qotaan Beeraha si dalagyada dalka ka baxa ay u soo saartaan.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here