Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Hay’adda UNICEF “SAWIRRO”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay madaxda Siyaasadda Bulshada xafiiska Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Jose Maria Bendito Prieto iyo Saraakiil kale oo xafiiska ka tirsan.

Kulanka waxaa looga hadlay wada-shaqeynta labada xafiis kor u qaadista Barnaamijyada taageerraya arrimaha Bulshada , Shaqo abuurka , ka hortagga shaqaaleynta Carruurta iyo dhammeystirka qorshaha shaqo ee sannad laha ah.