Argagixisada Al-Shabaab oo bur buriyay garoonka diyaaradaha Buula-burde+Sawirro

Ururka aragaxisada Al-shabaab ayaa Qaraxyo miino ah ku xiray garoonka diyaaradaha degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan, waxaana jira khasaaro kala duwan ay qaraxyada geysteen.

Dhismaha bur buray ee Qaraxyada lala beesgsaday ayaa ah hubinta iyo sugida rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buula-burde, kaas oo shalay dhismihiisa la soo gabagabeeyay.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku geeriyooday halka saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen ,sida uu wariyaha Buula-burde ee warbaahinta Qaranka soo sheegayo.

Garoonka uu ka dhacay Qaraxa ayaa waxaa si wada jira uga howlgala Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.