Baarlamaanka Carabta oo canbaareeyay qaraxii lala beegsaday ciyaartooyda

Baarlamaanka Carabta ayaa cambaareeyay qaraxii lala beegsaday bas ay saarnaayeen ciyaartooy kubadda cagta shalay ee ka dhacay magaalada Kimsaayo.

Bayaan ka soo baxay Baarlaamnka Carbata ayaa loogu tacsiyeeyay eheladii ku waayay qaraxa dadkooda, iyado sidoo kela loogu rajeeyay caafimaad deg deg ah  dadkii ku dhaawacmay.

Bayaanka ayaa intas ku daray, in Baarlamaanka Carabtu garab taaganyahay dowladda Soomaaliya si looga guuleysto ururada argagixisada ah.