Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay xafiiska Waaxda Dhisma-Wadaaga “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Daah-furay xafiiska Waaxda Dhisma-Wadaaga Gobolka Banaadir, isagoo sidoo kale saxiixay Xeerka Nidaamka Dhismo-Wadaaga.

Munaasabadaan balaaran oo ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin kala gedisan oo ka kala socday, Ku-xigeenada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xafiiska Garyaqaanka Guud, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee La-dagaalanka Musuqa iyo Bangiyada dalka.