Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Hiiraan

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanay kuwa nabad ilaalinta AMISOM ayaa Maanta waxa ay howlgallo lagu baacsanaya Malleeshiyada Al-Shabaab ka wadaan degaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Howlgalladan ayaa waxay si gaar ah ugu socdaan Waddooyinka isku xirta Degmada Jalalaqsi, Buur-weyn iyo Fiidoow, iyagoo halkaasna ka sameeyay baaritaanno la xiriira sidii halkaasi looga Cirib tiri lahaa haraadiga Kooxda Al-Shabaab iyo Dadka Gacan-saarka la leh.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay Malleeshiyaadku halkaasi ku dhibaateeyaan Dadka musaafurka ah ee isaga kala goosha Degmooyinka Gobolka, iyagoo dhac iyo boob u geystay Gaadiid u rarnaa Degmada Buulo-burte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here