Kooxda Malaga oo Camp Nou uga Adkaatay Barcelona

1193

Kooxda Barcelona ayaa waxaa garoonkeeda Camp Nou 0-1 uga badiyay kooxda Malaga.

Ciyaaryahan Juanmi ayaa daqiiqadii todobaad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Malaga.
gool
celeesad
Kooxda Barcelona ayaa iska qasaarisay fursad ay si KMG ah ugu qaban laheyd hogaanka horyaalka Spain ee La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa badineysay 11-kulan ee ugu dambeysay horyaalka Spain,waxana ay dhalisay 42-gool.

Tabarayaha kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa sheegay in kooxdiis ay u qalantay guul darrada ay kala kulantay kooxda Malaga,isagoo sheegay in waxyeleyneyso sumcadii kooxda.

Kooxda Real Madrid oo hogaamineyso horyaalka Spain ayaa habeen danbe la ciyaareyso kooxda Elche.

Kooxda Barcelona ayaa habeenka talaadada lugta koowaad ee wareega labaad ee koobka Champions League-ga la ciyaari doonto kooxda Manchester City.

Kooxda Barcelona ayaa kaalinta labaad uga jirto horyaalka Spain ee La Liga,waxana ay leedahay 56-dhibcood,halka kooxda Malaga ay horyaalka uga jirto kaalinta todobaad,iyadoo leh 38-dhibcood.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here