Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 KUNA saabsan cafis guud oo uu u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada deegaannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaaladda caafimaad ee caabuqa COVID-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.