Wariye Farxaan Suleymaan “Aaad ayay u fiican tahay xaaladdaydu, waana socdaa”

1545

Xaaladda Caafimaad ee wariye Farxaan Suleymaan Daahir oo ay shalay koox hubeysan ku dhaawaceen degmada Hodon ayaa soo hagaageysa, isagoo wareysi uu siiyay Radio Muqdisho maanta ku sheegay in uu aad u wanaagsan yahay.

“Caafimaadkaygu aad ayuu u wanaagsan yahay, Gacanta  raajo ayaa la saarayaa saakay oo lagu ogaan doonaa, madaxana shalay dhaqaatiirtu waxay ku guuleysteen inay xabadda ka saaraan” ayuu yiri Farxaan.

Rasaasta ayaa uga dhacday wariyeha madaxa, dhabarka , gacanta iyo cajirka, ayadoo laga saakay xabbadihii jirkiisa ku haray. Dhaqaatiirta ayaa sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay aad u waanaagsan tahay.

“Aaad ayay u fiican tahay xaaladdaydu, waan socdaa, suulliga waan galayaa” ayuu si raaciyay Farxaan.

Ururka saxafiyiinta Qaranka ee NUSOJ ayaa cambaareeyay dhaawaca loo geystay wariye Farxaan SUleymaan Daahir.  Farxaan waa wariye iyo sawir qaade ka tirsan Radio Muqdisho.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here