Wasaaradda Caafimaadka Koofur galbeed oo Baydhabo Ku qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Koofur galbeed ayaa ka qeyb-galey Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Bad-qabka Bukaanka oo ay soo qaban qaabisay waaxda Caafimaadka qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka maamulkaasi ,

Ugu horeyntii Waxaa goobta Ka hadlay Agaasimaha daaxada caafimaadka qoyska ee wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka koofur glabeed   Naciima Axmed Adoow waxaana ay faafaahisay muhiimada ay leedahay Xuska Maalintan .

Qaar Ka mid ah Hooyooyinka Ka shqeeya daryeelka hooyada iyo dhalaanka ayaa Ka hadley sida muhiim ay u tahay daryeelka  Bukaanka

Ugu dambeyntii Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Koofur galbeed Cisman Cabdi Muuse ayaa sheegay in dasaaraddu ay xoojineyso Xuska Maalinta Bad-qabka Bukaanka .

Markii ay soo idlaatey munaasabada xuska maalinta ayaa qaar Ka mid ah Shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Koofur galbeed  iyo agaasimaha waaxda Caafimaadka qoyska waxay booqasho ay ku tageen Isbitaalka guud ee bobolka Baay iyagoona u kuurgalayay  Bad-qabka Bukaanada isbitaalka Ku jira .