Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Dalka oo gaaray Gaalkacyo “SAWIRRO”

Guddomiye ku-Xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng Maxamed Cabdi Cilmi ayaa ka qeyb galay soo Dhaweynta Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dalka oo gaaray Magaalada Gaalkacyo.

soo dhaweynta Mas’uuliyiinta guddiga Doorashooyinka Heer Federaalka iyo Galmudug ayaa sidoo kale waxa ka soo qeyb galay Maamulka Gobolka Xildhibaanada Galmudug Xubno ka tirsan Golaha Deeganka Agaasime waaxeedyada Maamulka Dowlada hoose ee Degmada Gaalkacyo.

Wafdiga waxaa kamida Xubno ka tirsan Guddiga Hirgalinta doorashada heer Federaal oo ay ka mid yihiin, Axmed Aadan Dagaal [Safiina] ,Liibaan Axmed Xasan, iyo Cabdijibaar Cabdullaahi Faarax.

Gaalkacyo, waa Magaalada labaad ee Galmudug ah, oo la qorsheeyey iney doorashada ka dhacdo, maadama Heshiiskii 17 September, uu dhigaayo in Dowlad Goboleedkasta labo magaalo ka dhacdo doorashada.

Guddiga Doorashada labada heer ayaa kor meeri doona Goobaha ku haboon Doorashada iyo guud ahaan Amniga Magaalada, guddiga ayaa la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada.