Kooxaha Fiorentina iyo Juventus oo Bareejo Ku Kala Baxay

862

Kooxda Fiorentina ayaa garoonkeeda Artemio Franchi Stadium barbardhac 0-0 ah kula gashay kooxda Juventus oo hogaamineyso Horyaalka talyaaniga ee Serie A-da.

Labadan kooxood oo ciyaarayay kubad weerar iyo weerar celis ah ayaana wax gool ah iska dhalin labadii qeyb ee ciyaarta.

Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa keydka galiyay ciyaartoy dhowr ah,maadaama talaadada uu kulanka ugu danbeeyo ee koobka Champions League-ga uu la ciyaarayo kooxda Atletico Madrid.

Kooxda Juventus ayaa horyaalka talyaaniga ku hogaamineyso 35-dhibcood,halka kooxda Fiorentina ay ku jirto kaalinta sideedaad ee horyaalka,iyadoo leh 20-dhibcood.

Kooxda Roma oo kaalinta labaad uga jirto horyaalka talyaaniga ayaa habeen danbe la ciyaareyso kooxda Sassuolo.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here