Maxaa laga dhaxlay Qabsashadii iyo ka bixitaankii Ciidamada Mareykanka ee Afgaanistaan? (Maqaal)

Dalka Afgaanistaan ​​waa Waddan ku yaalla Bartamaha Qaaradda Aasiya, waxaa xuduud la leh  wadamada Tajikistan, Uzbekistan iyo Turkmenistan , Iiraan iyo Pakistanna.

Afgaanistaan ​​waxa soo maray dagaallo isugu jiray kuwa sokeeye iyo kuwo shisheeye, tan iyo markii ay Sofiyeetka ka baxeen sanadkii 1989.

24 -kii Abriil, 1992 -kii, dhinacyadi isku hayay talada dadka waxaa dhexmaray  Heshiiskii Peshawar, si loo dhiso dowlad ku meel gaar, Laakiin xisbigii uu hoggaaminayay Xekmatiyaar, oo gacan saar lalahaa Pakistan, ayaa diiday heshiiska, inkastoo uu ka mid ahaa kuwii saxiixay, kaa oo ugu danbeeyn weeraray magaalada Kabul si uu u  burbu heshiiska.

Kadib isku dayo badan oo la damacsanaa in dalkaas loogu dhiso Dowlad loo dhanyahay, ayaa waxaa si dhib yar ugu soo muuqday  Awoodda kooxda isku magacaawday Daalibaan , kuwaa oo horseed u noqday in halkaas laga abaabulo weeraradii 11-kii September, 2001 lagu bartilmaameedsaday Xarunta Ganacsiga Adduunka ee Mareykanka ku taallay.

Kadib weeraradii 11 September, 2001, Washington waxay ka codsatay Daalibaan inay soo wareejiyaan Usama Bin Laden, taasoo ay diideen, waxayna taasi noqotay sababta koowaad ee keentay duulaanka  Maraykanka iyo NATO ee Afgaanistaan.

Taasi waxay keentay in Tiro NGO -ya ah oo ka socda waddamada reer Galbeedka, iyo weliba waddamada Carabta, ay ka shaqa bilabaan Afghanistan, kuwaa oo qabtay shaqooyin wanaagsan, iyagoo dhisay waddooyin, isbitaallo, dugsiyo, xarumo lagu barto xirfadaha, iwm, waxa kale oo ay dalka keeneen lacag aad u badan.

Kooxda Daalibaan ayaa dib u habayn lagu sameeyay intii uu hoggaaminayey Mullah Maxamed Cumar, kuwaa oo bilaabay dagaal dhuumaalaysi ah oo ka dhan ah dawladda dhexe ee Afqaanistaan ​​iyo Ciidamadii Tageerayay.

Dhanka kale Ciidamada isbahaysiga caalamiga ah ayaa kordhiyay tirada askartooda  si gabi ahaanba meesha looga saaro dhaqdhaqaaqa Daalibaan iyo kooxaha xariirka laleh, taas oo keentay in tirada ciidamada caalamiga ah ee dalkaasi joogay ay gaaraan ilaa 140,000.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2012 -kii ku dhawaaqday inay soo afjari doonto howlgallada milateri ee ay ka waddo Afganistaan ​​laga bilaabo bisha December ee 2014, xilligaas oo ay billowday howsha ay ciidamadeeda kagala baxeyso Afghanistaan.

23 -kii Abriil, 2013, ayaa la sheegay in hoggaamiyaha Daalibaan, Mullah Maxamed Cumar, uu dhintay, taa oo wax ka badashay dhismahii Milatari ee Daalibaan.

28-kii December, 2014, NATO ayaa si rasmi ah u hakisay hawlihii  “ISAF” waxayna ku wareejisay dhammaan mas’uuliyadihii amniga dawladda Afgaanistaan.

Maleeshiyada Daalibaan waxay sii wadeen hawlgalladii argagixisonimo ee ay ka wadeen Afgaanistaan, iyaga oo gacan weeyn ka helaya Al-Qaacida.

Markii uu xilka la wareegay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, wuxuu bilaabay in markii ugu horreysay  wada hadallo ay dhexmaraan Daalibaan iyo dowladaha Afgaanistaan ​​si loo gaaro Nabad ka dhalata dalkaas.

Ka dib doorashadii Donald Trump ee 2017, wadahadaladii u dhexeeyay Kooxda Daalibaan iyo dowladda dhexe ayaa galay bog cusub, waxaana mar kale dib loo bilaabay dadaallo lagu doonayo in leysugu soo dhaweeyo labada dhinac.

Markii Ashraf Ghani, loo doortay mar labaad Madaxweynaha Afghanistan ayuu shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo Daalibaan.

Ashraf Ghani ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu Daalibaan u aqoonsan doono xisbi siyaasadeed oo sharci ah, sidokalana uu sii deyn doono xubnaha  kooxdaas ee xabsiyada ku jira, taa oo  Daalibaan ay diiday, iyagoo ku dooday inay doonayaan inay si toos ah ugala xaajoodaan Mareykanka nabadda dalka, halkii ay dowladda Afghanistan kala xajoon lahayeen.

Bishii Febraayo 25, 2019, wakiillo ka socday Taalibaan iyo Mareykanka ayaa kulmay markii ugu horreysay, taas oo qayb ka aheed wada xaajoodyada nabadda ee lagu qabtay caasimadda Qadar ee Dooxa.

Ka dib markii la dhammaystiray wareegii siddeedaad ee wada xaajoodkii u dhexeeyay  Mareykanka iyo kooxda Daalibaan, 12 -kii Ogosto, 2019, waxaa la shaaciyay in dhinacyadu ay ku dhow yahiin inay gaaraan “heshiis taariikhi ah”.

Wakiilkii Mareykanka ee Afganistan, Zalmaay Khaliilzaad, ayaa ku dhawaaqay in heshiis ay gaareen labada dhinac bishii Sebtember 2019,  kaasi oo sugayo oggolaanshaha Madaxweyne Trump , balse, Trump ayaa dib u dhigay saxiixa heshiiskan, kadib markii Askari Mareykan ah lagu dilay weerar argagixiso oo ka dhacay magaalada Kabul isla maalintaas.

Wadahadaladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Kooxda Daalibaan ayaa dib u bilowday December 2019, taasoo dhalisay xabbad joojin dhab ah.

22-kii Febraayo 2020, waxaa la saxiixay heshiis nabadeed oo rajo ka muujiyay in la soo afjaro tobanaan sano oo dagaal ah oo ka socday Afgaanistaan.

29 -kii Febraayo, 2020, maalin Sabti ah xafladii saxiixa Heshiiska ayaa ka dhacday caasimadda Qadar ee Dooxa, taas oo u dhexaysay Maraykanka iyo Daalibaan, si loo soo afjaro dagaalkii dheraa ee ka socday Afghanistan.

Markii uu Maamulka la wareegay Madaxweyne Joe Biden, ayuu ku dhawaaqay in Ciidamada Mareykanka ay ay ka bixidoonaan Afghanistaan marka  lagaaro 11-ka Sebtember, 2021, oo ku began 20 sano guurada weerarkii 11-kii September 2001.

Dhowr senator ayaa dhaliilay ka bixitaanka Ciidanka Mareykanka halka qaar kalana ay taageereen, balse  Biden ayaa doortay  in 11- September ay tahay maalinta ka bixitaanka Ciidamada Mareynaka ee Afghanistaan.

Waxaa jiray welwel laga qabay kororka rabshadaha iyo xasilooni darrada ku soo wajahan Afghanistan kadib ka bixitaanka ciidamada Mareykanka.

Dowladda Australia ayaa ugu horeeyn xirtay safaaradeedii Kabul, May 25, 2021, sababo la xiriira amni xumo laga cabsi qabay, sidokale  Belgium -ka iyo Faransiiska ayaa diblumaasiyiintodii kala noqday halkaas.

2-dii  bishii Luulyo, dowladda Shiinaha ayaa soo dirtay diyaarad si ay uga soo daadgureyso Kabul 210 qof oo u dhashay dalkeeda oo halkaasi ku sugnaa.

Markii ay bilabeen in  si degdeg ah ciidamada Mareykanka iyo NATO ay uga baxayaan Afgaanistaan, waxaa kordhay isku dhacyada u dhexeeya Daalibaan iyo ciidamada Afgaanistaan, taasoo horseedday in uu sii xumaado ammaanka dalkaas.

15-kii August,  Madaxweynaha Afganistan Ashraf Ghani ayaa dalka ka baxay, sida uu sheegay madaxii Golaha Dib u heshiisiinta Qaranka Afghanistan.

Maleeshiyaadka Daalibaan ayaa isla maalintaas galay Kabul kadib markii uu halkaas ka dhacay dagaal qaatay saacado kooban iyo go,doomin.

Ugu danbeeyntii maxaa laga dhaxlay qabsashadii iyo ka bixitaankii Ciidamada Mareykanka ee Afgaanistaan?

Waxyaabaha laga dhaxlay qabsashadii iyo ka bixitaankii Ciidamada Mareykanka ee Afgaanistaan waxaa ka mid ah:

  • Burbur hantiyadeed oo baahsan.
  • Dagaaallo aan dhamaad laheen.
  • Dhimasho aan la tirikoobi Karin.
  • Barakac wajiya badan leh.
  • Amaan darro hadda iyo koow ah.
  • Filashada in ay soo xogeeystaan kooxaha arga-gixisad.

Hase yeshee Su’aasha taagan ayaa ah Afgaanistaan ​​mar kale ma noqon doontaa xarun lagu soo dhaweeya Arga-gixisada Caalamiga ah si loogu duulo waddamada  Caalamka qaar ?

W/D Cismaan Maxamuud Faarax