Banaanbax looga soo horjeeday argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah  lagu qabtey Banaanbax looga soo horjeeday argagixisada Al-Shabaab, kaas oo ay soo abaabuleen Maamulka Magaalada.

Banaanbaxa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidamada, Culima’udiinka, Odayaasha dhaqanka dhalinyarada Haweenka iyo qeybaha kala duwan Ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan dhibaato ay sheegeen in maleeshiyada Al-Shabaab ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed ayna la dagaalami doonaan.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa dhankooda waxaa ay uga mahad celiyeen Bulshada sida ay dareenkooda ugu muujiyeen iyo sida ay uga xun yihiin dbibaatada ay Shacabka Soomaaliyeed ku hayaan  argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada Ammaanka ay kala Shaqeeyaan sugida Amniga.